Wednesday, August 27, 2014

Xukuumadda Somaliland oo dib u xayirtay wargeyska Hubaal


Xayiraad kale oo tusaale u ah Cabudhinta Saxaafadda iyo Madaxbanaanida Garsoorka...




hUBAALHargeysa(GNA)-Xukuumadda Somaliland ayaa dib u xayirtay Wargeyska sanadka xidhnaa ee Hubaal oo maalin ka hor xayiraadii laga qaaday.




Hubaal ayaa la xayiray Bishii December ee sanadkii 2013 , iyadoo ay ciidamada ammaanku la wareegeen xarunta Wargeyska.




Sida ay Gobanimonews u xaqiijiyeen xubno ka mid ah Masuuliyiinta Wargeysku, dib u xayiraadda Wargeyska ayaa ka dambeysay kaddib markii ay rafcaan ka qaadatay Xeer-ilaalinta Guud qaraarkii Xayiraad ka qaadista ee Maxkamadda Gobolka.




“Xalay saqdii dhexe ayaa amar xayiraad ah oo kale loo qaybiyay Madbacadaha, laakiinse annaga wax waraaq ah nalooma keenin oo kale.”sidaasi waxa Gobanimonews u sheegay Tafaftiraha Wargeyskaas Xasan Xuseen Cabdilaahi (Xasan Kef-kef ) oo aanu wax ka waydiinay arrintan.




Dhinaca kale, Xoghayaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Maxamed-rashiid Muxumed Faarax, oo aanu la xidhiidhnay si aanu xayiraad wargeyska wax uga waydiino, ayaa xaqiijiyay in dib loo xanibay wargeyska Hubaal.




Faahfaahin intaasi ka badan may bixin xubnaha Wargeyska iyo Solja ee arrintan aanu wax ka waydiinay.




Dhinaca kale, ma jiro ilaa hada wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Maxkamaddaha iyo Laamaha kale ee Garsoorka oo la xidhiidha dib u xayiraada Wargeyska.




Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex oo Isniintii Xayiraadii ka qaaday Wargeyskan, ayaa u cuskatay go’aankeeda dhamaystir la’aanta eeddeymaha wargeyska loo heystay oo  ay Xeer-ilaalinta iyo Bilayska ku durtay, kaddib markii ay muddada intaas le’eeg ku qaadatay.




Halkan ka akhri  




Ilaa iyo hadda ma cadda dambiga loo haysto wargeyskan, oo ka mida tiro Hay’addo warbaahineed oo ay xukuumaddu albaabada u laabtay xarumahooda hargeysa sanad gudihii.




Handiddaad soo noqnoqotay




Wargeyskan ayaa labadii sanaddood ee ugu dambeeyey dawladdu u geysatay handidaad soo noqnoqotay oo aanay gar iyo garowshiyo toona wali ka bixin.




Waxa ka mid ah Weerar lagu qaaday xarunta Wargeyska sanadkii la soo dhaafay oo waxyeelo nafeed loogu gaystay masuuliyiinta iyo Shaqaalaha Wargeyska.




Laakiinse talaabadan ugu dambeysay ee dib loogu xayiray wargeyska la fasaxay, ayaa u muuqata mid meel ka dhac kale ku ah xoriyada Saxaafadda iyo madaxbanaanida Cadaalada.




Masuuliyiinta wargeyska ayaa horey u soo dhaweeyay xanibaad ka qaadista .




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com