Thursday, August 28, 2014

Madaxweynaha Djibouti oo la heshiinaya Mucaaridka dalkiisa iyo culimo xabsi dhamaystay


[caption id="attachment_93974" align="alignleft" width="300"]Saddex sheikh oo xabsiga laga sii daayay Saddex sheikh oo xabsiga laga sii daayay[/caption]




Djibouti(GNA)-Dalka Djibouti waxa maanta xabsiga laga sii daayay Saddex Siyaasi oo u xidhnaa arrimo siyaasaddeed, kuwaasoo ah culimo mucaaridka taageertay.




Saddexdan Nin ayaa dhamaystay xabsi 18 Bilood ah oo ay Maxkamaddu ku xuntay horaantii sanadkii la soo dhaafay.




Sh.C/Raxmaan Bashiir, Sh. Giirre Maydal iyo Sh. C/Raxmaan Barkhad Good oo xadhigoodu saameyn badan ku yeeshay degenaanshiyaha siyaasaddeed dalkaasi, ayaa waxay taageereen Dalada mucaaridka ee USN.




Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli wada hadalo u socdaan Madaxweynaha Dawladda Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle iyo qaar ka mid ah Xisbiyada Mucaaridka, wada hadalkaasoo rejo wanaagsan laga muujinayo in heshiis lagu gaadhi doono.




Nuxurka Heshiis la filayo in todobaadka dambe ay wada gaadhaan Geelle iyo Mucaaridka dalku ayaa ku qotoma qabto wada-tashi qaran, oo lagu yagleelyo dawlad wadaag ah.




Sida ay tibaaxayaan ilo-wareedyo Gobanimonews ka heshay ilo-wareedyo u dhuundaloola siyaasada dalka Djibouti, wada hadalo muddo soo socday ayaa lagu rejo waynyahay in guul laga gaadho, iyadoo ay labada dhinac ba ogolaadeen natiijada la filayo.ismaaciil-cumar-geelle




Dadka ka faallooda arrimaha siyaasada ee dalka jibouti ayaa aaminsan in talaabadani muujinayso debecsanaan siyaasaddeed tii ugu weynayd oo madaxweyne Geelle u sameeyo Mucaaridka dalkiisa.




Dadka Dhaliila Siyaada Geelle ayaa ku tilmaama inuu yahay keligii Taliye xoog ku haysta madaxtinimada dalka.




Laakiinse taageerayaashu waxay ka aaminsanyihiin inuu yahay Hogaamiye horumar gaadhsiiyey dalka, isla markaaana isku haya midnimada umadda reer Djibouti.




Si kastaba ha ahaatee arrimahan ayaa ku soo beegmaya xilli maalmo ka hor Madaxweyne Geelle ka badbaaday fal  toogasho ah oo la aaminsanyahay in la doonayay in lagu khaarajiyo oo ka dhacay madaarka Diyaaradaha, kaddib markii mid ka mida Ilaaladiisu Rasaas furay daqiiqado kaddib markii madaxweynaha la soo dhaweeyay.




Rasaastaas ayaa waxa ku dhaawacmay laba ka mida Ciidanka Ilaalada Jamhuuriga oo midi dhakhtar yahay.




Dhacdadan ayaa dareen badan iyo shaki abuurtay, iyadoo dadka qaar u sibir-saarayaan inay ka dambeeyeen Mucaaridka ka soo horjeedaa.




Askariga Xabbada riday ayay qabiil ahaan aad isugu dhowyihiin Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.




Gobanimonews




London Office




Email: editor@gobanimonews.com