Saturday, August 30, 2014

Dawladda Soomaaliya oo cambaareysay Dagaalkii Saax-dheer iyo Jawaabta Hargeysa


Faysal Cali Waraabe oo u jawaabay Nickolas kay iyo beesha Caalamka  dagaalka Saax-dheer...




DhuxulowMogadishu, 29 August 2014 –(GNA)- Dawladda Soomaalida ayaa cambaareysay waxa ay ugu yeertay weerarkii hubaysnaa ee ka dhacay deegaanka Saax-dheer ee Gobolka Sool.




Wasiirka Warfaafinta iyo Hannuuninta Dadweynaha Mustafa Sheikh Cali Dhuxulow oo maanta ka warbixiyey mawqifka Dowladda Federaalka ee ku aadan shaqaaqadii shalay ka dhacday deegaanka la yidhaardo sax-dheer ayaa tilmaamay inay DF ka xuntay wixii dhacay.




“Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay ka xuntahay weerarka hubeysan ee ka dhacay degaanka Saaxdheer, kaas oo geystay khasaare isugu jira naf iyo maalba.”




Wasiirka oo hadlakiisa sii wata ayaa yiri “Dowladdu waxay ku baaqeysaa in la joojiyo dagaalka lagana dhowrsado warar colaadda sii hurinaya xaaladana uga sii daraya. Dowladdu waxay aamminsan tahay in ay dadku xor u yihiin xaqna u leeyihiin in ay si nabadgelyo ah isku imaadyo u samaysan karaan, sidaa darted waxaan ku baaqaynaaa in dadkii lagu qabtay Saaxdheer la sii daayo xuriyadoodana loo soo celiyo si ay arrintaasi ugu adeegto nabadda iyo isu soo dhawaanshaha.”




Wasiirka ayaa hadalkiisa ku soo gabogabeeyey “Soomaaliya waxay maanta u baahan tahay nabadgelyo, xasilooni iyo horumar taas oo ku imaan karta isxaqdhowr, isfaham iyo wadahadal lagu xalliyo wixii is afgranwaa ah ee jira. Sidaas darteed waxaan dhinacyada oo idil ugu baaqaynaa una soo jeedinaynaa in la wada hadlo caqliguna uu taliyo.”




Somaliland ayaa horey ugu eeddeysay Maamulka Federaalku inay  Somaliland dhexdeeda ka wadaan abaabul nabad-gelyo daro iyo hurin colaaddeed oo siyaasadda Salka ku haysa.




Wasiirka Gaashaan-dhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami iyo Taliyaha Ciidanka Somaliland Sareeye Gaas Ismaaciil Shaqale oo khamiistii la soo dhaafay warbaahinta la hadlay, ayaa labadooduba carabka ku adkeeyay inay fashiliyeen duulaan laga soo maleegay Koonfurta Soomaaliya oo lid ku ahaa qarannimada Somaliland.




Horayna wasiirrada  Caafimaadka iyo Arrimaha gudaha  Somaliland Dr. Saleban Ciise Axmed iyo Cali Waran-cadde, ayaa maamulka xasan sheikh Maxamuud ugu eeddeeyay inuu  faro-gelin siyaasaddeed ku hayo dhulka Somaliland, kana dambeeyo kooxaha abaabulka ka wada sool ee Khaatumo la baxday.




Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah Faysal Cali Waraabe ayaa isaguna ka jawaabay dhawaaqyo ka soo yeedhay QM oo lagu cambaareeyay weerarka Saax-dheer, kaddib markii Ergeyga QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya maanta cambaareyn iyo baaq ka soo saaray iska hor-imaadkii saax-dheer ka dhacay Khamiistii.




Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay inaanay waxba uga shan iyo toban ahayn Somaliland baaqyada Beesha Caalamka iyo Qaramada midoobay, ilaashanayaana xuduudaha dalkooda oo aanay cidna ka ogolaanaynin inay ku soo xad-gudubto ama maamulo kale ka samaysto.




Dhawaaqyadan isu hal celinta ah ayaa yimi, kaddib markii ay khamiistii la soo dhaafay ciidamada Somaliland weerar ku qaadeen saldhig uu abaabul caleemo saar madaxweyne ka socday oo ku yaallay deegaanka xuduudka Itoobiya saaran ee Saax-dheer.




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com