Tuesday, August 26, 2014

Madaxweyne Siilaanyo oo ku soo laabtay Hargeysa


Doomup




Berbera(GNA)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa ku soo laabtay caasimada dalka, kaddib booqasho saddex maalmood ah oo uu ku joogay Magaalada muhiimka ah ee  Berbera.




Siilaanyo, ayaa kormeer ku soo maray xarumaha Dawladda ee Magaaladaas ka hor intaanu ka soo ambo-bixin.




Waxa uu dhagax dhigay Waddo isku xidhaysa Kaydka Haamaha Shidaalka Berbera iyo Magaalada, waxaanu xadhiga ka hawl-galka Doonyo nooca dheereeya ah oo ay leeyihiin Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland.




Madaxweynaha ayaa u mahad celiyay Saraakiisha madaxda ka ah xafiisyada Hay’addaha uu booqday iyo Shaqaalahooda, waxaanu ku booriyay inay dar dar geliyaan hawlaha ay Bulshada u hayaan.




“aad iyo aad ayaan idiinku mahad naqayaa hawsha balaadhan ee aad qabteen, meel fiicana waad marinaysaan. Illaahayna waxaan ka baryayaa inuu idinla qabto ee halkaa ka sii wada” ayuu yidhi siilaanyo oo ka hadlayey Munaasibada dhagax dhiga Mashruuca waddada Haamaha Shidaalka Berbera.




Cutubyo ka tirsan Ciidanka Ilaalada Xeebaha, ayuu madaxweynuhu Salaan-dharaf kaga qaatay Taliska ay ku leeyihiin Magaalada Berbera, iyadoo uu halkaasi warbixin kaga dhegeystay Taliyaha Ciidankaas iyo saraakiisha ka hoosaysa.




Madaxweyne Siilaanyo ayaa dhowrkii Maalmood ee uu Magaalada Berbera joogay kulamo guud iyo kuwo gaar gaar ahba la yeeshay qaybaha kala duwan ee Bulshada iyo Maamulka dawladda, kuwaasoo ay iska xogwareysteen arrimo kala duwan.




Gobanimonews




Berbera Office




Email: editor@gobanimonews.com