Daawo Ururka JIDALI oo xukuumadda ku eeddeeyay arrimo federalism ah iyo jawaabta wasaaradda Khaarajiga..
Hargeysa(GNA)kaddib Eeddeyn culus oo ay Xukuumadda u soo jeediyeen URUR Dhalinyaro oo lagu magacaabo JIDALI, kaasoo ay ku bahoobeen Dhalinyaro ka soo jeedda Beesha H. Awal, waxa wasaaradda Khaarajiga ka soo baxay jawaab deg deg ah oo ay ka bixisay mawduuca lagu eeddeeyay.
Dhalinyarada Jidali ayaa xukuumadda ku eeddeeyay inay ergeyga Q.M ee Soomaaliya kala hadashay arrimo ku saabsan nidaamka federalismka ee soomaaliya, kaasoo ku lidi ah qadiyada iyo rabitaanka Somaliland.
Halkan ka Daawo:
Jawaabta Xukuumadda
Xukuumadda Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in aanay Nicholas Kay, kala hadlin arrimo la xidhiidha nidaamka Federaalka Soomaaliya iyo guud ahaan wax ku taxaluqa arrimaha Soomaaliya oo ah mid aan Somaliland Waxba ka khusaynin, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Khaarajiga Somaliland maanta.
War-saxaafadeedkaasi ayaa u dhignaa sidan:- “Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Jamciyada Quruumaha ka dhexaysa, Nicholas Kay,ayaa booqasho lagu martiqaaday ku yimi Somaliland todobaadkii la soo dhaafay, casuumadaas oo uu u fidiyey Wasiirka Arrimaha Debedda ee Somaliland, Mudane Maxamed Biixi Yoonis. Sababta martiqaadka ayaa ku salaysanyd in bog cusub loo furo xidhiidhka Somaliland ay la leedahay Jamciyada Quruumaha ka dhexysa(UN).
Somaliland waxay Wakiilka gaarka ee Xoghayaha Guud ee Jamciyada Quruumaha ka dhexaysa kala hadashay arrimaha horumarinta, bani’aadamnimada iyo qoddobo kale, mana jirin wax la xidhiidha siyaasada Somalia oo Somaliland kala xaajootay Kay, sida niidaamka Federaaliga ah ee Somalia,Taas oo aan ahayn arrinta u taala Jamhuuriyada Somaliland. Waxay kale oo Wasaarada Arrimaha Dibedda ee Somaliland cadaynaysaa , in aan Nicholas Kay laga hadlin, haba yaraatee, in ha’yadiisu xafiis ka furanayso Somaliland.
Labada geesoodba waxay ku niyadsan yihiin in booqashadaasi furi doonto socdaalo kale oo ay Nicholas Kay iyo asxaabtiisa UN ku yimaadaan Somaliland. Intii uu Hargeysa joogay, Kay, wuxuu la kulmay Wasiirro xukuumada ka tirsan, wakiilada Baarlamaanka, Bulshada Rayidka ah, dad ka socda Gobolada Barri iyo xubno axsaabta mucaaradka ka tirsan.
Nicholas Kay, wuxuu xukuumadda Somaliland u xaqiijiyey in xafiiskiisu uu si buuxda ugala shaqaynaayo Somaliland xaga nabada iyo horumarinta, iyadoo diirada la saarayo qoddobada horumarinta iyo ammaanka. Nicholas Kay iyo weftigiisii waxa warbixino kooban laga siiyey meelaha ay Somaliland wax-qabadka uga baahan tahay iyo in la cadeeyo, lana tilmaamo horumarka weyn ee muuqda oo ay Somaliland meelo badan ka gaadhay, taas oo ay ka mid tahay nabada iyo amaanka.”
Imaanshiyihii Nickolas Kay ee Hargeysa ayaa u muuqda mid xiisad siyaasaddeed oo shaki ku jiro ka dhex abuuray qaybaha Siyaasadda ee Somaliland.