Wednesday, August 27, 2014

Sool: Khasaaraha Dagaal ka dhacay Tabo-taag iyo Saax-dheer dhexdooda


Labada dhinac oo xaqiijiyay natiijada iska hor-imaadka iyo sida uu dagaalku u dhacay..




[caption id="attachment_93627" align="alignleft" width="300"]Ciidanka Somaliland ma ka soo guuri doonaan Ciidanka Somaliland ma ka soo guuri doonaan[/caption]Daba-taag(GNA)-Ugu yaraan  afar ruux ayaa ku dhintay Iska hor-imaad gelinkii dambe ee Maanta ka dhacay meel dhinaca Koonfuureed kaga beegan Tuulada Daba-taag , kana xigta dhanka Saax-dheer.




Dagaalka ayaa dhex maray Kolanyo ka tirsan Ciidanka Somaliland ee Agga Kala-baydh iyo Maleeshiyaad taabacsan Maamulka la baxay Khaatumo, sida ay Gobanimonews u xaqiijiyeen goob-joogeyaal.




Afarta ruux ee dhintay ayaa ka kala tirsanaa Ciidamada Somaliland iyo Maleeshiyaadka kale.




Saddex Nin ayaa la xaqiijiyay in laga dilay Maleeshiyaadka, halka Ciidanka Somaliland uu ka dhintay hal Askari, sidaa waxa Gobanimonews u xaqiijiyay saraakiisha Ciidanka Somaliland ee ku jiida dagaalku ka dhacay.




Labada dhinac ayaa sheegin cid kaga dhaawacantay dagaalka, hase ahaatee saraakiisha ciidanka Somaliland waxay xaqiijiyeen inay gacanta ku dhigeen saddex Nin oo maxaabiis ah.




“saddex dhimasho ah halkiibay kaga yaaceen, saddexna waanu ka qabanay”ayuu Gobanimonews u sheegay Sarkaal ku sugan deegaanka Daba-taag oo ka tirsan Ciidanka Qaranka Somaliland.




Mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay inay Maleeshiyaadka Khaatumo ka yimaadeen dhinaca daba-taag oo ay ka soo caraabeen, kaddibna ay halkaas ku kulmeen Ciidanka Somaliland oo socod ku jira.




“Dagaal badan muu dhicin, niman ka soo caraabay Daba-taag iyo waxa isku dhacay Ciidankan qaranka oo socod ku jira”ayuu Gobanimo u sheegay Ibraahim Cali Samatar oo ka mid ah Bulshada deegaanka.




Saraakiisha Somaliland ayaa sheegay inay Xabbada ku bilaabeen kooxda hubaysan ee Khaatumo, kaddibna ay iska difaaceen, islamarkaana u caydhsadeen dhinac saax-dheer.




Dagaalka dagaalku ka dhacay ayaa ah dhul Kaymo ah “Dhulku waa keyn oo wax badan lama ogaan karo, laakiinse nimankaasi way ka yaaceen goobtii dagaalku ka dhacay”ayuu yidhi Sarkaal kale oo ka tirsan Ciidanka Somaliland.




Labada dhinac ayaa horey dagaalo kala duwani ugu dhex mareen deegaamo badan oo ka tirsan Gobolka Sool, iyadoo maalmihii ugu dambeeyayba la dareemayay dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ay sameynayeen.




Iska hor-imaadkan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee dhaca , tan iyo markii maamulka la baxay Khaatumo maamulka cusub ku doorteen degmada Saax-dheer oo Gobolka Sool ka tirsan.




Doorashada Galaydh ayaa saameyn ku yeelatay deganaanshiyaha bulsho ee Gobolka Sool, siiba degmada Laascaanood, Kala-baydh iyo deegaamo kale oo ay degenyihiin qabiilka uu dhalasho ahaan ka soo jeedaa.




Guux siyaasaddeed oo aan sahlanayn ayaa ka jiray laascaanood labadii todobaad ee ugu dambeeyay, taasoo ay xukuumadda Somaliland u soo dirtay dejinteeda wefti wasiiro ah.




Gobanimonews




Laascaanood Office




Email: editor@gobanimonews.com