NAPA(GNA)-89 ruux ayaa ku dhaawacmay dhulgariirka Xoogan oo ku dhuftay deegaanka NAPA ee Waqooyiga Gobolka California ee dalka Maraykanka.
Dadka Dhaawacmay oo qaarkood xaaladdoodu culustahay ayaa isugu jira Carruur iyo dad waaweyn.
cabirka dhulgariirka ayaa lagu qiyaasay 6.0 hictor ee wareega dhulka ah, kaasoo ka dhacay deegaanka Bay aroor horoornimadii hore ee Axadda.
In ka badan Boqol kun oo Guri ayaa dumay, Korantada iyo adeegyda kale ee aasaasiga ah ayaa iyaguna meesha ka baxay, sida ay ku warameen Masuuliyiinta Degmadu.
Wuxuuna ahaa dhulgariirkii ugu weynaa ee ku dhuftay deegaanka Bay tan iyo gariirkii xajmigiisu dhamaa 6.9 ee Loma Prieta, kaasoo dhulkaa ka dhacay sanadkii 1989.
Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in dhulgariirkaas socday In ka badan laba saacadood kuna socday baaxada 3.6 taasoo uu soo tabaiyey mid ka mid ah qalabka gariirka lagu cabiro USGS ah.
Kooxda Saadaashada Hawada ee Qaranka ee California ayaa hore uga sii digay Dhul-gariirkan ka hor intaanu dhicin dhul-gariirkaas taasoo ay ku tilmaameen mid xoogan toddobaadka soo socda 54%.
sida ay xaqiijiyeen khuburo ku takhakhustay dhinaca cilmi baadhista dhulka ee ayaa ku tilmaamay inuu sababay dhul-gariirkani darooro gaas oo ka yimid daruuraha , dhibaatada soo wajahday dadka rayidka ayaa lagu tilmaamay inay soo gaadhay khasaare badan oo dhinaca nolosha ah, buundooyinka muhiimka ah - buundooyinka Carquinez iyo Benicia
Guddoomiyaha Brown ayaa ku dhawaaqay in dadkaa wax yeeladu soo gaadhay lala gaadho gurmada deg-deg ah oo dhinaca bina-aadnimada ah.
Ciidanka ammaanka ayaa ka qayb qaadanaya gurmadka lagu baadhayo khasaaraha masiibadan ka dhashay.