Sunday, August 31, 2014

Cukuse oo u Jawaabay Mustafe Dhuxulow


cukuse afka silanyo




Hargeysa (GNA)- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa sheegtay in wadahadalkii Soomaaliya ka dhaxeeyey dhaawac soo gaadhay, isla  markaana ay jebiyeen masuuliyiinta u taliya dawladda federalka Soomaaliya, kadib markii ay faragelin ku sameeyeen xuduudaha Somaliland, iyadoo si cad u sheegtay in aanay xuduudaha ciidammada Somaliland gaadheen dib looga laabanayn, hore oo ay uga sii socdaan mooyaane.




Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Md. Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo shir jaraa’id ku qabtay maanta  xafiiskiisa, ayaa tilmaamay in aanay Somaliland sugida xuduudaheeda iyo ilaalinta jirintaankeeda cidna kala tashanayn.




“Dhuxulow iyo Xasanka soo diray ee Muqdisho jooga ee xeryaha AMISOM ku xareysan nooma hanjabi karaan, mana odhan karaan iyagoo gurigooda difaacan kariwaayay gurigooda ay sariirtu u taal ee ay degan yihiin inay anaga kaayagan qaranka ah ee dawladda ah ee calanku ka taagan yahay ee aan dawlad shisheeye iyo dad kale gacanta ku lahayn, inay annaga talloo ka bixiyaan oo codka saaraan.




Dhuxulow iyo Xasan Sheekh waad jabiseen heshiiskii inoo dhaxeeyay, wadahadalkii  Somaliland iyo Soomaliya waad dhaawacdeen, markuu Dhuxulow ku dhawaaqay inuu ka hadlo qayb ka mida Somaliland, waxay ka aaminsan yihiin. Markii aad Muqdisho xildhibaanno ka soo dirteen inay Somaliland gudaheeda ku shiraan, markii aad u soo dirteen inay Somaliland khalkhal galiyaan, waxaa annagana noo muuqata in wadahadalkii u dhaxeeyay Somaliland iyo Soomaliya dhaawacmay,” ayuu yidhi Md. Cukuse.




Wasiirka Warfaafinta Md. Cabdillaahi Cukuse waxa uu xusay in Somaliland diyaar u tahay ilaalinta nabadda mandaqada, balse ay muuqato in dawladdda Somaliya iclaamisay dagaal siyaasadeed oo ka dhan ah Somaliland, waxaannu yidhi;“Annagu maanta waxaannu iclaaminaynaa oo qof kasta oo ay ka daahan tahay oo mad madaw kaga jiro u sheegaynaa Somaliland waa Somaliland. Dalkayaga gudihiisa meel ka mid ah oo cidi nagala talin kartaa ma jirto. Dalkayaga gudihiisa waxaannu ka yeelayno, nabaddiisu siday ku sugmayso iyo qaranimada Somaliland sida loo adkaynayo kala tashan mayno qof aan dalkayaga iyo dadkayaga midna ahayn oo dibadda ka jooga.  Wax aan lee nahay Soomaliya haddii ay idin deeqdo nabadii aannu idinkula noolayn ee dhinaca warbaahinta iyo dhinaca millatariga labadaba  annagu diyaar ayaanu u nahay, laakiin waxa muqata xildhibaanadiinii aad u soo dirteen qayb kamida Somaliland waa dagaal aad iclaamiseen idinkoo warbaahinta ka ka sheegay inaad qayb ka tihiin waxa ka socda Saaxdheer. ”




Xukuumadda Somaliland waxay si adag u sheegtay in aanay xuduudaheeda dib uga noqonayn, kuna kalsoon yihiin.  “Kuwa Cali Khaliif dabada ka riixaya ee odaygaa wayn khalkhalinaya inaad idinka tihiina waa wax  caddaan ah oo muuqata, waxaannu leenahay xuduuddayada baac ka mid ah oo aannu dib uga soo noqonaynaa ma jirto, inaannu hore ugu sii socono halkaanu joogno mooyee, Somaliland jiritaankeedu wuu sugan yahay, dalkayaga iyo dadkayaguna wuu isku kalsoon yahay. Waxaanu ku kalsoonahay cududda millatarigayaga iyo dalkayaga” ayuu yidhi Wasiir Cakuse.




Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland waxa uu intaa ku daray in Somaliland xornimadeeda kala soo noqotay Somaliya oo ka mid ah dalalka qaarada Afrika ugu awoodda badan. “Muqdisho iyadoo Maxamed Siyaad Barre oo Janaraal ah ka taliyo, iyadoo awood badan oo dubaabado wadata, iyadoo quwadeeda isku dhan tahay oo Soomaaliya wixii la’odhan jirey manfac iyo malatariba wixii ay lahad wadata ayey Somaliland waxba ka qaadi wayday oo  Somaliland ay dalkeeda ka saartay, waxaanay  kaga saartay xaqiijinta rabitaanka dadkeeda oo sabab u ahayd inuu meesha ka baxo Siyaad Barre.”