Saturday, August 30, 2014

Wax ka ogow Faa,iidada Sanjibiilka


san-228x300(GNA) Waxaa markii u horeysey Wadamada Reer Galbeedka  si wayn ugu fidaya isticmaalka Sanjibiisha, inkasta oo  mudo boqolaal Sano ah ay si joogto ah looga isticmaali jiray Wadamada Asia islamarkaana ay ahayd shay si weyn loo tixgeliyo.




 




Hadaba waxay dadka ku-xeel dheer arimaha caafimaadku daaha ka rogeen in Sanjibiishu ay qani ku tahay walaxda loo yaqaano Gengirol oo loo adeegsado khafiifinta iyo habsami uqul-qulka dhiiga.




 




Marka laga yimaado habsami u socodka dhiigga waxay Walaxda Gengirol caan ku tahay labadan arimood ee soo socda:




 




1): Waxay si aan caadi ahayn kor ugu qaadaa tayada iyo saafinimada dhiiga, si aanay unugyada dhiiga (xambaarayaasha Ogsijiinta) isugu guntamin, marinada Dhiiguna u oodmin taas oo dhalisa in qul-qulkii dhiigu meesha ka baxo.




 




Intaas oo ciladood markay Walaxda Gengirol meesha ka saarto taa macneheedu wuxuu noqonayaa in Dhiigu si aan xayiraad lahayn u socdo isaga oo xambaarsan Ogsajiin ku filan, Nafaqooyin iyo waxyaalaha kale ee daruuriga u ah Jirkeena uu gaarsiin karo Unug kasta oo ka mida Boqolka Bilyan ee Unug ee Jirkeenu ka samaysan yahay.




 




Suurta galnimada arintanina waxay waxtar weyn u tahay khaasatan Wadnaha, wareega Dhiiga, kartida iyo awooda Maskaxda, Gacmaha, Lugaha, Xubnaha Taranka iyo weliba kor u qaadida wax maqalka oo intuba si la dareemi karo awoodoodu kor ugu kacdo.




 




2): Isticmaalka joogtada ah ee Sanjibiishu wuxuu baajiyaa inay inay xargagaan dhex-roorkooduna yaraado Halbowlayaasha, waxaa cilmi baaris lagu sameeyey Sanjibiisha lagu xaqiijiyey inay aad ugu raysteen wax tar weyna u yeelatay  Dadka ka cawda Xubnaha ama laabatooyinka oo xanuuna, yididiilo hor lehna gelisay, iyadoo weliba aanay kala kulmin isticmaalkeeda wax “Side effect-ah”.




 




Sinjibiishu waxay kaloo u dawa tahay Dadka ku dawakha Safarada, Xanuunka ku dhaca Ciridka, Nabarada xanuunka label-belaya, kabuubyada Xubnaha jirka laga dareemo. Intaa waxaa u dheer waxay lid u tahay noocyo aan tiro lahayn oo Bakteria ah, waxayna dejisaa Maskaxda, cadaadiska Dhiiga oo ay hoos u dhigto, Apiete-ka oo ay Qofka u furto, fududaynta Dheefshiidka, ka hortaga Mataga iyo Lalabada, Xabka oo ay ka soo goyso Qofka dureysan ama qufacaya iyo weliba iyadoo wax weyn u tarta Dadka ay dhibto ceshashada Kaadida.




 




Si kastaba arintu ha ahaatee waxaa jira iyana meelo looga dayriyey Sinjibiisha oo ay ka midyihiin Dadka Nabarada Caloosha ku leh, kuwa Calool ololka leh iyo kuwa Dhagxaantu Kelyaha kaga jiraan, waxaan iyana isticmaalkeedu u fiicnayn Dadka Madax- xanuunka joogtada ah qaba iyo kuwa habeenkii sida lama filaanka ah u dhidida.




 




Waxaa iyadana meesha laga saaray inaad isticmaasho Sanjibiisha hadii qaliin kugu soo fool leeyahay iyadoo Dhakhaatiirtu u cuskadeen halkan inay keeni karto Dhiigjoojinta oo adkaata.




 




Kadib markii la ogaadey waxtarka weyn ee ay leedahay Sinjibiishu waxaa markiiba ka bilaabmay Dalka Germany tartan Shariikadaha Dawooyinka sameeya u dhexeeya, durbadiinaba waxaa Suuqa soo galay laba nooc oo Dawo Sinjibiil ka samaysan.




 




Xigasho: British Medical Journal