Monday, August 25, 2014

Khuboradda Hay’adda GPIRT Ee Sawirka Aqoonsiga Indhaha Diwaangelinta Doorashadda Somaliland Kala Shaqeyneysa Oo Faahfaahinka Bixisay


Sawirka Indhaha ee Doorashadda Somaliland




“Hadafka Kaliya Ee Somaliland Leedahay Waxa Weeye Inay Helan Doorasho Daacad Nimo Iyo Ixtiraam Ka Saleysan “Madaxa Kooxda  GPIRT Khabiir Kevin Bowyer 




Saddex (Gobanimonews)25-8-2014- Khoboro ah oo kala ah labada nine ee   Kevin Bowyer, Estefan Ortiz iyo haweenay lagu magacaabo  Amanda Sgroi oo  ka socda Hay’adda (Groups Publications on Iris Recognition Technology) oo hoostagta  Jaamacadda University Of Notre Dame Ee Dalka Mareykanka ,kuna  takhasusay ka shaqeynta Technology-ga DNA-ga  Sawir Qaadista Aqoonsiga Indhaha ee doorashooyinka iyo ID-yada aqoonsiga,ayaa Somaliland ka caawin doona Doorashada Soo sosocota ee iyo Dinwaangilinta Codbixiyayaasha Somaliland.




Kevin Bowyer  oo ah Khabiir ka mid ah Group-kan GPIRT loo soo gaabiyey oo wareysi siiyey Wakaaladda Phys.org.com ,ayaa sheegay inay Hay’addoodu Somaliland ka caawin doonto nidaamkan Cusub ee dadka reer Somaliland Aqoonsiga sawirka  indhaha  loogu sameyn doono doorashadda soo socota, kaasi oo uu tilmaamay in uu yahay ka ugu fudud  uguna   fiican dhinca aqoonsiga ID-ga  DNA-da  dadka ee Caalamka imika lagu isticimaalo isla markaana uu ka wanaagsan yahay wakhtigan la joogo aqoonsiga Faraha ee dadka laga qaado,waxana hoosta ka xariiqay Mr Kevin in Somaliland tahay dal u baahan inay gasho doorasho run iyo Cadaalad ku dhisan taasina ay tahay sababta ay la shaqeynayaan.




Khabiir Kevin Bowyer  waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Hadafka kaliya ee Somaliland leedahay waxa weeye inay helan doorasho Daacad nimo iyo ixtiraam ka saleysan helaan,si ay taasi u dhameystiraan waxa ay doonayaan inay alkumaan diwaangelin codbixin musuq maasuq ka madaxbanaan iyaga oo u gudbay nidaamka biometrics oo macnihiisu yahay in uu taas Liisgareeyo”




Kevin  oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaasi raaciyey“In lagu isticimaalo nidaamka sawirka farta ( fingerprint ) Waddan sida Somaliland oo kale ah waxa ay leedahay dhibaatadeeda in lagu kalsoonaan karo ,waxana had iyo jeer dhacda dadka nidaamka Sawirka faraha laga qaado inay doorashooyinka boobka iyo musuqa marar badan lagu cel celiyo ka soo noqoto,runtiina Somaliland waxa ay nidaamkan sameysay tijaabo diwaangelin ah sanadii 2008/2009-kii waxana ka soo baxday isticimaalka Aqoonsiga Farta iyo Aqoonsiga wajiga qofka si qofka loogu aqoonsado,balse arintaasi waxa ay keentay sida warbixinta ay soo saareen Koomishankaii doorashooyinka ee Somaliland inay dad badan oo 30% intaasi ahi ay doorashada marar badan codeeyeen oo ku cel celiyeen mana jirto meel ay dadkaasi ku aqoonsatay Data-dii la hayey dadka mararka badan ku celceliyey,waxana mishkiladaasi laga bartay in la helo nidaam cusub oo lagaga baxo dhacdooyinkaasi hore”




War bixintani waxa ay intaasi ku daraysa in Kooxdan Khuborada ah ee  Iris Recognition Technology,ay Xukuumadda Somaliland iyo Koomishanka Doorashooyinka Qaranka ay qancisay in diwaangelinta muwaadintiinta reer Somaliland nidaamkii hore ee Sawirka faraha looga guuro nidaamka diwaangelinta DNA-ga  cusub ee sawirka Indhaha in laga qaado, iyada oo wali la sugaayo xeerkii  diwaangelinta   Somaliland ayaa la filayaa inay Baarlamaanku ansixiyaan dhamaadkaa sanadkan 2014-ka waxana sido Somaliland ka codsatay intaasi ka hor inay Hay’addan IRIS Tecnology ay mudadaasi ka hor samayso diwaangelin tijaabo ah oo gobolada dalka qaarkood laga qaado iyada oo laga sameeyey hargeysa iyo  Baki oo hargeysa  ka baxsan”




Sources by W/SAXANSAXO




Wariye Cabdiwali Cali Ismaaciil




Abdiwali1991@gmail.com




Gobanimonews/Hargeysa Office /Somaliland