Friday, August 29, 2014

Xisbiga Wadani oo Komishanka Doorashooyinka ku darsanaya xubin iska casilay


Madaxweyne Siilaanyo ma ka aqbali doonaa Cirro in Fadal Komishanka lagu daro, mise  sidii Daahir Rayaale Isaga uga diiday Ilhaan Maxamed Jaamac ayuu ka diidi?




[caption id="attachment_94043" align="alignleft" width="300"]dr. Xoghayihii Arrimaha dibada dr. Xoghayihii Arrimaha dibada[/caption]Hargeysa(GNA)-Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland, ahna Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro, ayaa lagu wadaa inuu xubnaha Komishanka Doorashooyinka ku darsado Maxamed Fedel oo ahaa xoghayihii Xisbigiisa u qaabilsanaa arrimaha Dibada, oo dhawaan xilkaasi iyo xubinnimadii xisbigaba isaga casilay sababo uu ku sheegay inay yihiin arrimo u khaasa.




Maxamed Fedel ayaa xubin muhiim ah ka ahaa Xisbiga ugu cad-cad Mucaaridka ee uu hogaamiyo Guddoomiye Cirro, waxaase dadku si weyn isweydiinayeen maalintii shalay markii go’aankani ka soo baxay sababta ku keliftay iyo saameynta ay xisbigaas ku yeelan karto iscasilaadiisu.




Laakiinse arrintan ayay ku soo beegantay soo shaac bixiddeedu, markii uu madaxweyne Siilaanyo ku dhawaaqay inuu kala diray xubnihii Komishanka Doorashooyinka Qaranka oo wakhtigu kaga dhamaanayay Bisha October, balse Mucaaridku dalbadeen in la kala diro.




Inkasta oo dadka arrimaha Siyaasadda lafo-guraa ay dhinacyo badan u sibir saarayaan iscasilaada Fedel ee xilligan, ilo-wareedyo aad ugu dhow Dr. Fedel iyo Guddoomiye Cirro ayaa Gobanimonews u sheegay in Dr. Fadal isu diyaarinayo sidii uu Komishanka Doorashooyinka uga mid noqon lahaa, isagoo ka imanaya  xagga Xisbiga uu ka tirsanaa ee Waddani.




Warku wuxuu intaas ku darayaa in si arrintaasi sharciyan aanay wax caqabad ahi uga hor-iman uu u uga tegay Xisbiga, iyadoo ay wax isku ogyihiin Guddoomiyihiisa Cirro aanay marna ifafale kale oo uu uga tagaa Muuqan xilligan.




Madaxweyne Siilaanyo ayaa labada Xisbi Mucaarid ka dalbaday inay si dhakhso ah u soo gudbiyaan xubnaha Komishanka loogu darayo. Waxaana taas isla shalayba soo dhaweeyay labada hogaamiye Mucaarid ee UCID iyo WADDANI , Cirro iyo Faysal.




Hase ahaatee Cirro hadii uu Dr. Maxamed Fadal u magacaabay Xubinta Xisbigiisa ka imanaysa, waxay taasi ka hor imanaysaa xeerka Doorashooyinka, sababtoo ay tahay waxa laga rabaa xubin dhex u noqota Asxaabta oo aan xag-jir xisbi ahayn.




Xubinta Komishanka Doorashooyinka ayaa waxa ka reeban inuu si cad uga dhex muuqdo xisbi ama uu xilba ka hayo, waxaanay taasi meesha ka saaraysaa dhexdhexaadnimadiisa shaqo iyo wada shaqaynta ka dhaxaysa xubnaha kale.




Dr. Fadal sida la yaqaano waa siyaasi labadii sanno ee ugu dambeeyey si toos ah uga dhex muuqday Xisbiga Wadani, taasoo caqabad ku keenaysa yoolkiisa deg deg ah  ee hada uun soo shaac baxay.




Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, ayaa Xisbiga Kulmiye ka diiday inuu ku daro  Komishankan hada la bedelayo xubin Xisbigaas ka tirsanayd oo xag-jir ahayd.




Madaxweynaha hada talada haya ee Siilaanyo ayaa Xisbigiisa Kulmiye xubin Komishanka Doorashooyinka ah ay u soo magacowdeen Ilhaan Maxamed Jaamac oo xisbinada Kulmiye aad xag-jig ugu ahayd, isla markii dambe wasiir ka noqotay bilowgii xukuumadda Siilaanyo, waxaana taasi ku gacan saydhay Daahir Rayaale.




Hadaba waxa hada isweydiinta soo baxaysaa ay tahay Siilaanyo ma aqbali doonaa Maxamed Fadal marka uu cirro u gudbiyo mise wuu ku diidi doonaa.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com