Tuesday, August 26, 2014

Imaaraadka Carabta Oo Ganaax Ku Soo Rogay Haweenka Isticmaala (Make-Up) Iyo Raga Feedha Iyagoo Gawaadhida Wada


Dubai, (GNA) - Wasiirka Daakhiliga ee Imaaraadka Carabta ayaa soo saaray ganaaxyo khuseeya habka wada-marista, isagoo sheegay in la ganaaxi doono Haweenayda isticmaasha qalabka la isku qurxiyo (Make-Up) iyadoo gaadhi wada.




Sidoo kale waxa ganaaxan ku jira raga Feedha timaha ama xidha koofiyada/cumaamada ay carabtu dhaqanka u leeyihiin inta ay ku gudajiraan wadida gaadiidkooda.




Sidaasi waxa yidhi Colonel Saif Al Mazrouei, Agaasimaha Guud ee Qaybta Traffic-ga ee Bileyska Dubai oo warbaahinta isna la hadlay.




Waxa kale oo qaybta wada-maristu ay soo saartay in qofkii telefoonkiisa qabta isaga oo gaadhi wada oo maraya wadooyinka waaweyn ee dalkaasi ama isgoysyada laga qaadi doono Dh200 laguna dari doono qofka lagu qabto heerka Afraad ee Liiska Madow.




“Hadii qofka wadaha ahi uu doonayo inuu Mobile ku hadlo, ha istaago goob amaan ah oo wadada dhinaceeda ah ama ha iska sugo inta uu gaadhayo halkii uu u socday” Colonel Mazrouei.




Xigasho: Hilaacmedia.com