Tuesday, August 26, 2014

Cirro Agaasime waaxeed u magacaabay Mid ka mida shaqaalaha Golaha


suleymaan cabdisitaar dubadHargeysa(GNA)- Gudoomiyaha Golaha wakiilada Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilahi (Cirro) ayaa dhawaan u magacaabay Suleymaan Cabdisitaar Dubad Agaasimaha Waaxda Cilmibaadhista, Laybareeriga iyo Xogta ee Golaha Wakiilada, Suleymaan Cabdisitaar ayaa hore u ahaa Madax qaybeedka Xoghayayaasha 10ka gudi ee uu goluhu ka kooban yahay Gudoomiyaha ayaa Xilkan magacaabay ka dib soo jeedintii Xoghayaha guud ee golaha wakiilada mudane Abdirisaaq Siciid Ayaanle uu Gudoomiyaha ugu jeediyey inuu u magacaabo Saleebaan xilkan yahayna shakhsi karti ahaan iyo aqoon ahaanba ka soo bixi kara waaxadan  shaqadeedu muhiimka u tahay Golaha.









Komishanka  Shaqaalaha Dawlada ayaa iyaguna xilkaas u soo ogolaaday Golaha Wakiilada Magacaabista xilkaas iyo waaxdaas balaadhan ee golaha ku soo korodhay




Waaxdan cilmi-baadhista, Libareeriga iyo xogta ayaa noqonaysa waax Golaha wakiiladu mudaba tebayay isla markaana kor u qaadaysa shaqada iyo hawlaha uu qaranka goluhu u hayo xoojinaysana midho dhalka waaxda Sharci dejinta guud ahaan.








 




 




halkan hoose kala bax warkaas oo faahfaahsan




 




http://somalilandparliament.net/index.php/component/content/article/67-news-a-events/356-waax-cusub-oo-ku-soo-korodhay-qaabdhismeedka-golaha-iyo-xilkaas-oo-loo-magacaabay-suleymaan-cabdisitaar