9 bilood kaddib, Haweenka Caannaha ku Iibiya Hargeysa: Uskaga Weelka aanu ku maydhno hortayda ayaanu ku daadinaa markay Bulaacadu naga buuxsanto..
Nadaafad-xumada ka jirta Suuqyada Caanaha lagu iibiyo ee Hargeysa iyo Ganacsatada oo ka sii rejo go’aya balanqaadyadii daah-furka Mashruucaas loogu soo gudbiyay.. Warbixin
[caption id="attachment_93692" align="alignleft" width="300"]Hangarka Caanaha oo qashinku hadheeyay[/caption] Hargeysa(GNA)-Mashruuca horumarinta Caanaha Xoolaha Somaliland wuxuu ahaa mashruuc ku dhawaaqistiisu rejo iyo riyo cusub gelisay Dadka ka Ganacsada Cadka iyo Caanaha Xoolaha iyo kuwa Dhaqatada ah, waxaanu saameyn balaadhan oo xagga horumarka ah ku sameynayey Xannaananta Neefka iyo daryeelka dheefta laga helo.
Mashruucaasoo ku kacayey lacag dhan 4 Milyan oo lacagta Euro-ga ah, ayaa wajigiisa hore loogu talo galay in laga fuliyo Magaalada Hargeysa ee Caasimada Somaliland, taasoo ah meesha ugu badan ee ay ku noolyihiin Dadka reer Magaalka ahi.
Dadka Reer Magaalka ama ku nool Magaalooyinka ayaa oonta xooluhu u tahay quutal-daruuri ay la’aantiisu adagtahay.
Inkasta oo aan Daraasad rasmiya la haynin, hadana qiyaas ahaa, 95% Dadka ku nool Magaaladu waxa ay isticmaalaan saddexda wakhti ee maalin kasta noocyo kala duwan oo ka mida Oonta Xoolaha, sida Hilibka, Caanaha iyo Subaga.
Tani waa sababta Nolosha Miyiga iyo ta magaaladu isugu xidhanyihiin markasta, iyadoo isku xidhnaanshiyahaasi uu laf dhabar u yahay Dhaqaalaha iyo wax soo saarka dalka, inkasta oo ay muuqato in yaraanshiyo Xawli ku socda oo Xoollaha laga dareemayo, isla markaana meelo fog-fog laga keeno Caanaha iyo Subaga laga maalo, sida ay xaqiijiyeen dadka ka Ganacsada Caanaha Xooluhu.
Hadaba iyadoo ay jiraan arrimahaasi oo dhami, ayaa waxa Somaliland dhawaan lagaga dhawaaqay Mashruucan Balaadhan ee lagu horumarinayo Tayada Caanaha iyo dhiiri gelinta dadka ka ganacsada oo aan hore u helin gacan qabasho dawladdeed oo muuqata iyo taakulo kale oo farsamo toona.
25/11/ 2013, ayaa munaasibad balaadhan oo lagu qabtay Hargeysa, kana soo qayb galay Madaxweynaha Somaliland lagaga dhawaaqay Mashruucaas.
Waxaana si rasmiya u furay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, oo si weyn u bogaadiyay hir-gelintiisa.[caption id="attachment_93694" align="alignleft" width="300"]Muuqaalka Munaasibadii ku dhawaaqista Mashruuca
[/caption]
Wasiirka xanaanada xoolaha Dr; Cabdi Aw Daahir oo munaasabadii furitaanka mashruucan ka hadlay ayaa sharaxaad ka bixiyay qayabaha uu ka kooban yahay iyo faa’iidooyinka uu u leeyahay dadka ka ganacsada Caannaha.
“mashruucani waa silsilad caanaha lagu daryeelayo, ilaa halka laga soo saarayo oo ah neefka kobcintiisa, caafimaadintiisa, weelka lagu lisayo nadaafadiisa, qofka lisaya caafimaadkiisa, wadooyinka la soomariyo wixii laga qaban karo, hagaajinta goobaha lagu iibinayo, taageero lasiiyo iskaashatooyinka ka ganacsada caanaha”ayuu yidhi Wasiirku.
Wasiirka oo sii sharaxaya Mashruucan ayaa sheegay in Hargeysa lagu bilaabayo.
“waxa ugu horeeya oo aanu ka bilaabaynaa Hargeysa kadibna gobolada dalka ayaa loo gudbin doonaa”.ayuu sii yidhi.
9 Bilood kaddib mashruucii ma fulay?
9 kaddib wali Mashruucaasi lama fulin, waxaana jirta duruuf adag oo wali haysata dadkii loogu talo-galay.
Suuqa ugu weyn ee caanaha lagu Iibiyo, ayaa ah mid wali ka aradan Kaalmada loogu deeqay iyo taageero kale oo dawladdeed, labadaba.
Filashada haweenka Caanaha iibiya ee Mashruucaasi ayaa mid aad wali saraysa wallow aad moodo inay rejadii ay hore u qabeen yaraaday.
“mashruucaas wali nama soo gaadhin sidaad u maqasheen ayaanu u maqalnay balse waxay noogu balan qaadeen waxyaabo howlahayaga horumarin kara siday noo sheegeen”sidaasi waxa Gobanimonews u sheegtay Cosob Xasan Cabdilaahi oo ah Guddoomiye ku-xigeenka Iskaashatada Caannaha ee Suuqa Gobanimo.
Cosob ayaa intaas raacisay “waxay noo sheegeen in dabka aanu caanaha ku karino ay naga bedelayaan oo shoolado ama mashiino casriya na siinayaan, oo ay qalab xaalada caanaha aanu kula socono ay nasiinayaan halka markii hore aanu ka dhadhamin jirnay marka caanuhu yimaadaan”ayey tidhi.
Ganacsade Cosob oo sii sharaxaysa siday Caanaha hada ku ogaadaan tayaddooda ayaa tidhi “caanuhu markay yimaadaan waxa la saaraa dabka, marka dabka la saaro hadii ay xun yihiin way googo’ayaan hadii ay fiican yihiina sidooday ahaanayaan”ayay sheegtay.[caption id="attachment_93690" align="alignleft" width="300"]Mid ka mid ah Haweenka Caanaha Iibiya[/caption]
Nadaafad daro suuqa ka jirta
Nadaafadda goobaha caanaha lagu iibinayo, ayaa ah mid aan wanaagsanayn oo aad u liidata. Ma jiraan Bulaacado iyo meelo kale oo qashinka loogu talo galay oo halkaasi ka dhisani.
Haweenka Caanaha Iibiya ayaa Gobanimonews u sheegay Hal Bulaacad oo qudha ku taallo goobtaas, taasoo marka ay buuxsanto Uskaga iyo qashinka ku qubaan Banaanka.
hormarinayo Caasha Maxamed, oo ka mida haweenka ganacsatada caannaha oo sharaxaad ka bixisay dhibaatooyinka ku gedaaman Ganacsigooda, ayaa sheegtay inay u baahanyihiin in loo sameeyo goobo qashin qub oo ku filan iyo dhismeyaal ku filan.
Horta waxa noogu daran nadaafad darada ka jirta halkan, hadii aanay nadaafadi jirina waxba ma jiraan, markaa waxaannu u baahanahay in naloo sameeyo Bulaacado”ayey Caasha oo ka walaacsan fayo-dhowr la’aanta halkaa ka jirta.
“hal bulaacad ayaa halkan ku taalla markay buuxsato Uskaga waxay dadku ku shubaan hortooda, waxa aannu iibinaynaana waa caano, markaa inay xannuuno ka dilaacaan ayaa halis ah”ayey tidhi.
Caasha Maxamed ayaa sidoo kale sheegtay inay u baahanyihiin “talaagado ayaanu doonaynaa, joogag aanu caanaha ku shubano ayaan u baahan nahay , wali wax waxqabada ah kama hayno waxaa dowladu nadhex socoto”ayey hadalkeeda ku dartay.[caption id="attachment_93691" align="alignleft" width="300"]Caano lagu shubayo Darka lagu iibiyo[/caption]
Ganacsiga Caannaha ayaa mara marxalado la mid ah maceeshada kale ee daruuriga “Marka qofbay caannuhu ku soo degaan, qofkaasi wuxuu ka sii iibiyaa, Ganacsade kale, kaasina wuxuu ka sii iibinayaa qof kale oo dadka Miiska ku iibiya ah”ayay Gobanimonews u sheegtay mid ka mida Haweenka soo dejiya Caanaha oo noo warantay.
Masuuliyiinta Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somaliland oo aanu wax ka waydiinay halka uu ku dambeeyay mashruucaasi ayaa ka gaabsaday inay hadalka arrinta.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradaas oo Wariyeyaasha Gobanimo Xafiiskiisa kula kulmeen si wax looga waydiiyo sababta uu mashruucani u fuli waayay ayaa ku doodday inaanu waxba kala socon isagu “anigu shaqada waan ku cusbahay, waxna kama ogi mashruucaas ee wasiirka ka waraystay”ayuu ku gaabsaday isagoo aan ogolaan inuu waraysi bixiyo oo war laga duubo ( Over Record).
Agaasimihii hore ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Dr Cago-weyne ayaa munaasibadii uu xilka ku wareejiyay ka sheegay inuu Mashruucaasi wax weyn ka tarayo tayada Oonta Xoolaha, siiba Caanaha oo uu sheegay in si gaar ah loogu horumarin doono nadaafaddooda iyo Caafimaadka dadka ka ganacsada iyo kuwa xoolaha ka soo maala.
Si kastaba ha ahaatee wali ma kala cada in lacagta Mashruucaasi lagu fulinayaa soo gaadhay gacanta dawladda Somaliland iyo in kale, inkasta oo markii la daah-furay hadal haynta Masuuliyiintu u dhacaysay sidii gacantooda ku jira oo fulin qudha u baahan. Waxaase daruuriya inay dawladdu arrintan uga jawaabta daneeyayaasha sida weyn ugu hanqal taagay markii la shaaciyay oo hada shaki wayni ka galay rajadii ay qabeen.[caption id="attachment_93693" align="alignleft" width="300"] Hangarada Caanaha lagu iibiyo[/caption]
Saleban Cabdi Cali/ Yoonis M. Jaamac
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com