Wednesday, August 27, 2014

Waran-cadde oo gacanta laga geliyay Dacwad ka dhan ah Maayir Hargeysa dhaafi waayay


Golaha Deegaanka Buuhoodle oo kalsoonida kala noqday Maayirkii degmada oo Hargeysa dhaafi waayay iyo qodobada loo cuskaday..




[caption id="attachment_93915" align="alignleft" width="256"]Maayirka Buuhoodle oo la ridayo Maayirka Buuhoodle oo la ridayo[/caption]Buuhoodle(GNA)-11 Xidhibaan oo ka Tirsan Golaha degaan Degmada Buuhoodle ayaa qoraal ku sheegay inay  Kalsoonidii kala noqdeen Maayarka Degmada Buuhoodle Cismaan Yuusuf  oo inta badan ku sugan Magaalada Hargaysa.




Xildhibaanadan ayaa ku eeddeeyay Maayirka  ka cago jiiday sidii  uu degmada maamulkeeda u dhaqaajin lahaa maadaama oo ay jiraan magaalooyin aan buuhoodle ahayn oo uu maamulka degmada iyo ka Gobolkuba degi karaan,  taasoobay yidhaahdeen dhirbaaxo ku noqonlahayd Maamulka khaatumo iyo Puntiland, hadii uu degaanka ka dhaqaaqo maamul shaqaynaya oo Somaliland metela.




Maayarka ayay dhawr jeer xildhibaanada Golaha degaanka Buuhoodle kala hadleen inuu maamulka dhaqaajiyo,laakiinse ilaa hada ka cago jiidaya,sidoo kale maayarka ayaa laba gaadhi oo degmadaas la siiyay aanay farahiisa ku jirin sida ay ku eedeeyeen xildhibaanada Golahaasi,




Xildhibaanada ayaa sheegay inay warqada kalsooni kala noqoshada gacanta ka geliyeen Wasiirka Daakhiliga laakiinse ilaa hada aanay wax jawaab ah ka helin.




Xildhibaanada ayaa u cuskaday kalsooni kala noqoshada inuu jabiyay Xeerka dawladaha hoose,Qodbada sheegaya''hadii uu maayarku galo kala qaybin Golaha degaanka, Qabsho la’aan kalfadhiga Golaha degaanka'' Lunsi hanti umadeed oo maguurto ah sida gawaadhi iyo waliba inuu lunsaday Mucaawimooyinkii Degaanka degmada Buuhoodle”ayay ku dooddeen.




 Yuusuf C/laahi dhegoole oo ah xildhibaan ku sugan degmada Buhoodle ayaa isna sidoo kale maayarka eedaynaya waxa uu yidhi''Degmada Buuhoodle Carqalad baa haysata oo waa maayarka,Xildhibaandii reeruu ku sheegay waad ogtihiin oo hadii buuhoodle aan maamulka la gayn karin,Magaalooyin kale ayaa jira oo laga dhaqaajinlahaa oo xafiisyada laga furan lahaa isagaa diidan,gaadiidkii Degmadu lahayd Iskarogadii Taliyaha Asluubtaa xiirane ayaa laga iibiyay gaadhigii susukida ahayd qori ayaa saaran oo khaatumo ayaa lag iibiyay,raashikii Turkiga 2500 oo qorilugud ah mooyaane wixii wuu ibiyay burcuu ku iibiyay




wasiirka wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland ayaan wali wax jawaab ah ka bixin qoraalka ay xildhibaanadu  u Gudbiyeen waxaana wali Gobolka iyo degmadaba ka jira dayac maamul iyadoo aan wali wax badhasaab ah loo magacaabin kadib markii badhasabkii hore Xariir  uu iscasilay.




waxaanay dadwayne badan oo reer Buhoodle ahi ku doodayaan inaan wali markaliya loo magaacbin degaankaas cid maamulka degaankaas ka caabiyi karta maamulada kale ee sheeganaya.




Axmed Muuse Maxamed




Gobanimonews




Burco Office




Email: axmedmm9@hotmail.com