Koox ka dhisan Ireland ayaa lagu soo rogay ganaax lacageed kadib markii mid ka mid ah taageereyaasheedu uu la soo baxay calanka Falastiin, isla markaana inta uu kor u taagay uu ruxay.
Dundalk ayaa lagu ganaaxay in ay bixiso lacag dhan €18,000 lacagta Yurub ah, waxaana sida ay xaqiijisay EUFA ay arrintani dhacday July 17 wakhti ay kooxdani ciyaaraysay kulan ku tirsanaa Europea League.
Waxa lagu sheegay war-saxaafadeedka warkan xaqiijiyey in aan loo ogolayn kooxahu in ay qaataan calaamadaha iyo calamada muujinaya khilaafka wakhtiyada ay dhacayaan ciyaaruhu.