Thursday, August 28, 2014

War Dag Dag Ah Dagaal Sababay Khasaare Dhimasho Dhaawac iyo Hanti Gaadiid Oo Ka Dhacay Saaxdheer (Dhagayso)


14Waxaa Saaka Subaxnimadii Hore Ka Qarxay Duleedka Deegaanka Shaaxdheer Ee Ka tirsan Gobolka Sool Dagaal Qadhaadh Oo U Dhexeeya Ciidamada Somaliland iyo Kuwa Khaatomo Waxaana Wararku Sheegayaan In Ciidamada Soomaaliland ayaa weli gacanta ku haya tuulada Saax-dheer ee gobolka Sool, halkaas oo ay saaka ku weerareen Prof. Cali Khaliif Galayr iyo xulufadiisa oo caleemo saar madaxweyne u diyaar garoobayey.




Wararkii ugu dambeeyey ee ka soo baxaya dagaalkaas ayaa xaqiijinaya in dadka dhintay labada dhinac ay ka badan 20 ruux, iyadoo dhaawaca aan weli la xaqiijin, xiisad oo weli kacsan darteed.




Madaxweynaha Khaatumo Prof. Cali Khaliif Galayr iyo xulufada la socota ayaan la ogayn ilaa hadda halka ay ku sugan yihiin




Hoos Ka Dhagayso




[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/Qadar.mp3"][/audio]