Friday, August 29, 2014

Hargeysa: tirada Carruur la qashay Bishan oo Maydkooda oo kiftan la helay


Dilka laba Carruur ah oo la wariyay 48-kii saacadood ee la soo dhaafay oo laga shakiysanyahay in xidhiidh ka dhexeeyo iyo Bilayska oo aan wali tafaasiil ka bixin Bahalnimada noocan ah




[caption id="attachment_94020" align="alignleft" width="300"]Maydka Ilmo 2 jir ah oo 13 bisha laga helay Siineey Maydka Ilmo 2 jir ah oo 13 bisha laga helay Siineey[/caption]Hargeysa(GNA) Hargeysa waa magaalo sii balaadhanaysa maalinba maalinta ka dambeysa, tan iyo markii dalka lagu soo noqday ee ay noqotay Caasimada Somaliland, Dastuurkana lagu qeexay inay xarunta waddanka ay tahay.




Waa magaalo korodhka Xajmigeeda iyo Ilbaxnimada dadkeedu ay wada socdaan, laakiinse waxa bishan gudaheeda ka dhacay dhacdooyin bina-aadantimada ka baxsan oo xidhiidh ah, horena aan sidan oo kale u dhici jirin. kuwaasoo argagax iyo naxdin ku abuuray dhamaan qaybaha Bulsahda.




Inta la xaqiijiyay saddex Ubada oo aanay da’doodu ka waynayn laba jir iyo wixii ku dhadhow, ayaa Hilibkooda oo la goo’gooyay dabadeedna baco lagu soo mooriyay laga helay meello suuq ah iyo Laago biyo-mareen ah, sida ay ina tusayso dhacdo wareedyada arrintan ku saabsan ee bishan warbaahintu tebisay.




Mid ka mid ah Dhacdooyinkan, ayaa  xalay ka dhacay badhtamaha Suuqa Caasimadda Somaliland ee Hargeysa, ka dib markii la qabtay Gabadh laba Bocood ku kala sidday Meydka ilma-yar oo ay Jarjartay ama ay googgoysay.




Gabadhan ayay Ciidammada Ammaanka Somaliland ee magaalada Hargeysa gacanta ku dhigeen, ka dib markii ay Askarta fadhiisata Isgoyeska Waddada Idaacadda tagta ee ku dhaw Istaanka Basaska Idaacadda laga raaco ee badhtamaha Suuqa Hargeysa ama halka Waqooyi qumman ugu beegan Meheradda Nasiiba, ku war-heleen Gabadh laba Bocood oo kuwa Bagaashka ama Alaabooyinka Suuqyada laga tukaamaysto lagu qaato ee Madawga ah dhankooda u soo sidatay oo mar keliya intay tuurtay ka carartay Bacaha ay sidatay, markii ay isha ku dhufatay Askarta Kaabadda Isgoyska fadhida oo aanay marka hore arkayn sida orodkeeda laga dareemay.




Askarta Booliska ee habeenkii Baabuurta ku baadha ama hubiya Isgoyska Idaacadda iyo dad weyne badan baa daba cararay Haweenaydaas Bacaha ay sidatay markay tuurtay ka dib, iyaga oo dadka iyo Askarta qaarkood u arkay ama u fahmay waxan Gabadhu tuurtay ee ay ka carartay inay yihiin waxyaabaha Qarxa ama Qaran ay ogaan meesho u dhigayso, waxaanay markiiba ku qabteen isla agagaarka Istaanka Basaska Idaacadda, waxaanay dul-keeneen goobta ay Bacaha ku tuurtay, markii Bacaha la eegayna waxa loogu tagay Hilibka ilmo-yar oo Waslad-waslad iyo qurub-qurub loo googgooyey sida ay Wargeyska Himilo u xaqiijiyeen dad goob-joog ahaa markay dhacdadani dhacaysay, waxaanay intaas ku dareen in la wada argaggaxay markii la arkay in Bacaha ay gabadhu tuurtay uu ku jiro Hilibka ilmaha la jarjaray.




“Abbaaro Sagaalkii cawaysnimo ee caawa (xalay) ayay ahayd markii aan la kulmay aniga oo Nasiiba horteeda maraya dad fara badan oo ku yaacaya iyo kuwo dul-taagan meel wax yar u jirta Isgoyska waddada Idaacadda, gaar ahaan halka u dhaxaysa halka ay Tagaasidu dhigtaan iyo Kaabadda Isgoyska ee Askartu fadhiistaan, markii aan dul-tagay-na waxaan arkay Hilibka ilmaha-yar ee googgo’an oo laba Bocood ku kala jira oo Madaxa, gacmaha, lugaha iyo jidhkiisaba xubin xubin loo kala jarjaray, oo gabadhii Bacaha ku siddaynay Boolisku dul-keeneen, waannu argaggaxnay.” Sidaa waxa yidhi mid ka mid ah dadka goob-joogga u noqday dhacadaas argaggaxa leh oo u warramay Wargeyska Himilo.




 Maxamed oo hadalkiisa sii wataa intaas ku daray oo uu yidhi; “Markiiba waxa yimi Xaajiyad Boolisku leeyahay iyo Taliyaha Saldhigga Booliska New Hargeysa, waxaanay qaadeen labada Bacood ee lagu soo guray Hilibka ilmaha yar oo aan is-idhi dhawr habeen ayuu jiray iyo Gabadha Bacaha ku sidday ee la qabtay. Waxaanannu is-nidhi Gabadhu hadday doonayso inay ilmahan ay googgoysay qariso oo ay tuurto dee meelahaa madawga ah iyo Dooxyada ayay geyn lahayde, malaha ilmaha way xadday oo inay hilib ahaan u cunto ayay doonaysay, waayo? Suuqa ugu dadka badan leh xilli fiid ah oo Suuqa laga buuxo lamay soo dhex-marteen aniga aragtidayda, laakiin Illaahay baa innaga og.”




Dhacdo 2aad




Dhacdo kale oo tan la mida ayaa iyadana la xaqiijiyay inay habeen hore ka dhacday agagaarka Garoonka Timo-cadde “halkan ayaanu maraynay aniga iyo Gabadh kale oo aanu jaar nahay, waxaanay ahayd salaad hore oo waagu markaasuun beryay, kaddibna waxaan aragnay Bac Dhiig leh oo Nin eegayo iyo Madax qof yar oo isna meel yaalla”sidaasna waxa Gobanimonews ugu warantay haweenay degen xaafada gol-jano oo argagax badan ka muujisay waxay aragtay.




Haweenaydaas ayaa wariyeyaasha u sheegtay dhacdadan shalay intaanu falkan dambe xalay dhicin! “waanu argagaxnay, dabadeedna waanu yaacnay markii nagu yidhi waa ilmo yar oo la jarjaray”ayay sii raacisay hadalkeeda.




Tani waa Warbixin aad moodo in xidhiidh ka dhaxayn karo tan xalay la qabtay, laakiinse taasi waa mid baadhisteedu ay u taalo Laamaha ammaanka oo aan iyagu wali ka hadlin falalkan, isla markaana ogolaan inay tafaasiil cad bixiyaan tirada Kiisaskan.




Dhacdo 3-aad




Wakhti ku began 12 Bishan August, ayaa Xaafada siiney ee degmada Axmed-dhagax  ee Magaalada Hargeysa, meel doox ah la dhigay Maydka Ilmo yar oo da’diisa lagu qiyaasay 2 Jir , kaasoo Bilayska lagu soo war-geliyay 13 Bisha oo maalinnimadii.Sida ay Gobanimonews u xaqiijiyeen saraakiisha laamaha amniga oo aanu la xidhiidhnay maalintii la helay habeenkii ku xigay.




Goob-joogayaal dhacdadaas uga waramay warbaahinta, ayaa caddeeyey in ilmaha yar maydkiisu midab-doorsoomay, isla markaana qudhmay, lana garanayn cidda dhigtay, waxana halkaas meydka ka qaaday ciidanka bilayska oo baadhitaan ku samaynaya falkaas naxdinta leh.




Saddexdan Dhacdo waxay iftiiminayaan bahalnimo inteeda le’eeg oo ku soo korodhay caasimada dalka, taasoo aanay ilaa hada jirin cid maxkamad loo soo taagay iyo ashkhaas loo qabtay oo ay Bilaysku xaqiijiyeen.




Xataa ma kala cadda inay Carruurtani yihiin kuwo Qoysaskoodii laga xaday, inay yihiin kuwo ay waalidiintoodu qasheen iyo inay yihiin qaar ku dhashay Uur sharci daro ah oo (Garac).




Laakiinse waxaan muran ku jirin inay Dambi cad tahay  dilka nooc kasta oo Bina-aadam ah oo aan galabsan. Carruurtana xataa hadii ay yihiin kuwo sifo khaldan ama Meher la’aan ku dhashay waa dambi culus bahalnimo ah dilkoodu.




Wallow Haweenka Uurka ku yeesha Meher la’aanta ee soomaalidu ay  berigii hore  samayn jireen wax kasta oo ay ceebta arrintaas kaga badbaadayaan.




Xukuumadda Somaliland ee masuuliyadu ka saarantahay ammaanka umadda ayaa looga fadhiyaa inay arrintan mugdiga ka saarto, isla markaana sharciga horkeento kuwii falalkan geystay.




Gobanimonews




Hargeysa Office