Wednesday, August 27, 2014

Mudaharaad Maanta ka dhacay Degmada Duruqsi ee Gobolka Togdheer


Bulshada degmada oo ficil u bedelay cabasho muddo dheer ka soo yeedhaysay oo ay Xukuumaddu dheg u dhigi wayday...




DURUQSIDuruqsi(GNA)-Dad gadoodsan ayaa maanta cabasho ka sameeyay Degmada Duruqsi oo ka mida Degmooyinka hoos yimaada Gobolka Togdheer.




Mudaharaadkan ayaa qayb ka ah, isla markaana daba socda cabasho muddo soo jiitamaysay oo looga soo horjeedo Maamul xumo iyo musuqmaasuq lagu eeddeynayo Maamulka Degmada iyo Masuuliyiinta Waxbarashada.




Waxa ay dadka deegaanku ka cabanayaan wax qabad la’aan iyo Lacag sida la sheegay laga soo uruuriyay qurbo-jooga degmada oo ay masuuliyiinta waxbarashadu u isticmaaleen howl aan ahayn tii loogu talo galay.




Lacagtaasoo qadarkeeda lagu sheegay $14000, ayaa waxa la sheegay in kolkii hore loogu talo galay, in dugsi sare loogu sameeyo  degmada, hase ahaatee waxay dadka deegaanku sheegeen in lacagtaasi sifo khaldan loo isticmaalay “Dadku waxay ka soo horjeedaan lacagtaas oo ay qolada waxbarashadu yidhaahdeen waxaan dugsiga Magaalada ugu samaynaynaa Deyr Taar ka samaysan oo iskuulka lagu wareejinayo. Waxa kale oo ay diidanyihiin dib u dhaca ka jira degmada iyo maamul xumo baahsan oo muddo laga cabanayay”. Sidaas waxa Gobanimonews u sheegay Suldaan Maxamed Aadan oo ka mid ah Isimada Deegaanka.




Dadka cabashada samaynayay ayaa markii dambe si iskood ah u kala dareeray markii ay cadceedu kululaatay, inkasta oo ay goob-joogeyaal ku waramayaan in wali dhaqdhaqaaq laga dareemo magaalada.




Dadka Deegaanka ayaa si weyn uga cabanaya dib u dhacyada adeegyada aasaasiga ah ee degmada, sida caafimaadka, waxbarashada iyo ammaanka. “degmadu ma laha Bilays, hal askari oo deeq la yidhaahdo ayaa jooga, adeegyada kale ee aasaasiga ahi way liitaan. Maamulka dawladdu u joogaana waxba wuu ka qaban waayay”. Ayuu yidhi mid ka mida wax garadka degmada oo Gobanimo la hadlay.




Waxa la sheegay in maalmo ka hor Rag lagu soo qabtay Khamri oo ay dadka deegaanku xidheen, markii la xukumay la waayay Ciidan geeya Jeelka Burco oo loo soo dhaadhiciyay. Raggaasi waxa la sheegay inay waxyeelo u geysteen Odayaashii soo qaaday, kaddib markii ay isku dayeen inay ka baxsadaan.




Xaalada noocaas ah ayay waxgaradka deegaanku ku tilmaameen mid tusaale u ah maamul la’aanta degmada iyo duruufaha la jira, iyagoo dhowr jeer baaqyo kala duwan ka soo saaray arrintan, balse ay xukuumaddu uga jawaabi wayday.




Maamulka Degmada ayaa dhawaan iska difaacay eeddeymaha loo jeedinayay tan iyo horaantii sanadkan, waxaanay ku tilmaameen dhaleeceyn waxba kama jiraan ah.




Guddoomiyaha Degmadaas Axmed C/Laahi Gaabyoome oo Magaalada Burco kula hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in horumar fiicani ka socdo deegaanka uu maamulo, eeddeymaha loo jeedinayaana ay yihiin kuwo aan sal iyo raad toona lahayn.




Laakiinse Guddida degmadu waxay mar kale sheegeen soo bandhigeen todobaadkan tabashooyinka Bulshada degmada.




Halkan ka akhri eeddeymaha Guddida Degmada duruqsi




 




 Si kastaba ha ahaatee Maamulka Degmada ayaan wali ka hadlin mudaharaadkan isaga lagaga soo horjeedo ee Maanta ka dhacay Degmada.




Gobanimonews




Burco Office




Email: editor@gobanimonews.com