Tuesday, August 26, 2014

Radio FM Hargeysa lagu qabtay


FM




Hargeysa(GNA)-Sida lagu baahiyay Mareegaha Internetka Sirdoonka Somaliland ayaa gacanta ku dhigay Ideecad nooceedu FM tahay oo tuugo ah, taasoo la tibaxaayo in loo waday Deegaamada Killlalka shanaad ee Itoobiya.




Faahfaahin dheeraad ah lagama hayo meesha lagu waday iyo cida iska leh Radio-gan la qabtay, hase ahaatee Saraakiisha laamaha ammaanka ayaa laga soo xigtay inay tahay mid awooddeedu gaadhayso heerka dhegeysiga ilaa Kilalka shanaad ee Itoobiya.




Arrintan xogta kooban laga hayo ee qabashada Idaacad gacanta lagu sido ayaa waxay sii tahkiidinaysaa hadal hayn laysla dhex marayay Magaalada Hargeysa muddooyinka dambe oo sheegaysa in la dhegeystay Ideecad FM ah oo aan ahayn ta Dawladda iyo labada Iddeecadood ee kale ee BBC-da iyo VOA-da.