Saturday, August 30, 2014

Qoys saddex Ubada ku waayay guri gubtay oo sadaqo loo uruurinayo. Daawo


qoysHargeysa(GNA)-Magaalada Hargeysa waxa dhawaan ka dhacay Musiibo aad u naxdin badan oo ku habsatay qoys danyar ah, kaasoo ay saddex Ubad ahi kaga dhinteen gurigoodii oo gubtay.




Masiibadan oo ahayd mid argagax badan abuurtay, ayaa sababtay in hooyadii iyo aabihii qoyska wada lahaa oo qudha ku soo hadhaan reerkii, halka saddexdii ubad ahaa ee ay dhaleen iyagoo shuf-beelay laga soo saaray Gubadkii guriga.




Hadaba qoyskaasi dhibaatada naxdinta badani ku dhacday, ayaa loo gurmaday si inta hadhay naftooda loo badbaadiyo Mustaqbalka, ugana soo kabtaan mushkilada haleeshay, ee Goblanka iyo guri la’aanta isugu jirta.




Dadka u gurmaday Qoyskaasi waxa ka mid ah Sheikh Aadan Xaaji Maxamud Xiiray (Aadan Siiro) oo kaalin firin fircoon kaga jira dadka u dhaqdhaqaaqa u samo-falida kuwa dhibaateysan ee itaalka daran, kaasoo Jimcihii Masaajidka Xawaadle kaga dhawaaqay in gurmad deg deg ah loo fidiyo Qoyskaasi.




Sheikh Aadan Siiro ayaa khudbadiisa Jimcaha ku soo qaatay Qiimaha sadaqada, si qoyskaa loo taakuleeyo oo sadaqo loogu uruuriyo, isagoo khudbadaas dhinacyo badan oo ku saabsan muhiimada sadaqada kaga hadlay.




Halkan hoose Daawo Khudbada Sheikha: