wuxuu ahaa Ninka la dilay Horgalihii Jaadka Boosaaso
Laascaanood(GNA)-Waxa Caawa kaantaroolka Magaalada Laascaanood lagu dilay Nin Jaadle ahaa oo la socday gaadhi qaad siday oo ku sii jeeday Magaalada Boosaaso ee Gobolka bari.
Askari la sheegay inuu milateriga Somaliland eek u sugan Kaantaroolka laga galo Magaalada Laascaanood ka tirsanyahay ayaa rasaas ku furay Gaadhi Waaraad ah oo Jaad siday, taasoo sababtay dhimashada Ninkii horgalaha Qaadka ka ahaa oo magaciisa la odhan jiray jaamac Galbeedi.
Dad goob-joogeyaala ayaa Gobanimonews u xaqiijiyay inuu Askarigu Rasaasta ku riday, kaddib markii ay is-af-dhaafeen Nimanka Jaadka siday iyo Ciidanka Istabta ku sugnaa ee askariga wax dilay ka tirsanaa.
Ismaandhaafka ayaan rasmiyan loo ogayn waxa uu ka dhashay, hase yeeshee Ismaandhaafka ayaa ka dhashay,jaad dheeraad ah oo sida la sheegay ay askartu waydiiyeen Jaadleyaasha, taasoo uu ninka jaadka ka masuulka ahaa diiday, isagoo u sheegay inaanu wax intaas ka badan bixin karin.
Dilka ayaa dhacay abaarro 12:00 caweysnimo ee caawa.
Ciidanka ammaanka ee goobta ku sugnaa ayaa isla markiiba sida la sheegay gacanta ku dhigay Askariga Dilka geystay, iyagoo xabsiga u taxaabay, inkasta oo warar kale ay tibaaxayaan inuu cararay oo muddo la raadinayay.
Sidoo kale Ninka dhintay oo isla goobtii naftu kaga baxday siday goob-joogeyaal noo sheegeen ayaa loo soo qaaday Cisbitaalka guud ee Magaalada.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Laamaha dawladda ee ammaanka iyo Maamulka Gobolka toona oo la xidhiidha dhacdadan, hase ahaatee Taliyaha qaybta Bilayska iyo Masuuliyiin kale oo dawlada ah ayaa Booqday Cisbitaalka Maydku yaalo, waxaana xubno ka mida laga soo xigtay in falkan baadhis lagu samayn doono.
Gaadhiga dilku ka dhacay ayaa la sheegay inuu saarnaa Taliyaha Saldhiga Bilayska Laascaanood, ahna taliye ku xigeenkii hore ee qaybta.
Askari wax dilay iyo Marxuumka gacantiisa ku baxay ayaa labaduba dhalasho ahaan ka soo jeedda Magaalada Laascaanood, isla markaana isku beel ah.
Jaamac Galbeedi oo ah Marxuumka dhintay ayaa ka mid ahaan jiray Jaadleyaashii hore Reer Laascaanood, aadna looga yaqaanaa Gobollada bariga, waxaanu in dhawaale u u shaqayn jiray Shirkadaha jaadka ee waaweyn ee Jaadka geeya gobolada Bariga.
Shirkada uu Jaadku u rarnaa oo uu leeyahay Nin Reer Laascaanood oo la yidhaahdo Maxamed Jiboutaawi, ayaa magaceeda la yidhaahdaa M522.
Waxa goob-joogeyaal kala duwani sheegeen inuu askarigu rasaasta ku furay, kaddib markii Dawaralka gaadhiga waday uu dib uga qaaday barta Birtu taalo
Kaantaroolka Magaalada ayaa ku yaalla meel dibada Magaalada ah.
Gobanimonews
Laascaanood Office
Email: editor@gobanimonews.com