Hargeysa(GNA)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa booqasho ku jooga Magaalada Berbera.
Socdaal qarsoodi ah oo uu galabta kaga ambo baxay Hargeysa, ayaa lagu sheegay mid ku eeg Magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil.
Safarka Madaxweynaha ayaa u muuqda mid kedis ah oo aan hore loo sii shaacin, isla markaana faahfaahin dheeraad ah aan la haynin.
Ilo-wareedyo Gobanimonews ka heshay Aqalka Madaxtooyada ayaa xaqiijiyay inuu kulamo kula yeeshay caawa Madaxdhaqameedyo iyo waxgarad Magaaladaas, kuwaasoo dood adagi dhex martay.
Warbaahinta ayaa socdaalkiisan berbera ku tilmaantay mid xumad jabin u ah waji-gabax uu maanta kala kulmay xisbiyada Mucaaridka ah.
waxa uu ambo baxay saacado yar kaddib markii ay asxaabta siyaasadda ku kala kaceen kulan looga hadlay arrimaha doorashooyinka.
Magaalada Berbera ee xarunta Gobolka Saaxil, ayaa istaraatiiji u ah Dhaqaalaha dalka.
Socdaalkiisan ayaa ku soo aaday xilli maalmihii la soo dhaafay la hadal hayay inuu Madaxweynuhu booqasho ugu ambo bixi doono Deegaamada Gobolada Bariga, gaar ahaan Gobolka Sool.
hadal haynta Booqashadiisa gobolka Sool, ayaa ku soo aadaysa xilli guux siyaasaddeed ka jiro Gobolkaas iyo deegaamada hoos-yimaada.
Ilo-wareedyo isa soo taraya ayaa sheegaya in socdaalkan Madaxweyne Siilaanyo galabta ku baxay ku jihaysanyahay dhowr Gobol oo ka mid ah kuwa Bariga siiba, Togdheer iyo Sool.
dhinaca kale hor intaanu madaxweynuhu xafiiskiisa ka ambo bixin, waxa uu Digreeto ku magacaabay Badhasaabka Gobolka cusub ee Xaysimo oo horey uga tirsanaa Sool.
siday warinayaan dadka arrimaha siyaasada u dhuunta daloola Nuxurka waxyaabaha lagala hadlay joogitaankiisa Berbera waxa ka mid ah xadhiga Wasiir ku-xigeenkii hore ee amniga Cabdilaahi Abokor iyo arrimo kale.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com