Thursday, August 28, 2014

Afhayeenka Madaxweyne Siilaanyo Oo Wiil Gaadhigiisa U Maydhayey U Qabsaday Mobile Iyo Dadkii Ku Soo Xoomay Oo La Yaabay Kibirka Dhuxul


Hargeysa, (GNA) - Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland, Axmed Saleebaan Dhuxul ayaa maanta abaaro 12:00 duhurnimo Wiil dhalinyaro ah oo gaadhigiisa oo horyaalay Baanka Dhexe u maydhayey u qabsaday mobile uu sheegay inuu gaadhigiisa dhex yaalay oo uu wiilkaasi xaday.




Afhayeenka madaxtooyada Mr Dhuxul ayaa dadkii ku soo xoomay markii uu wiilkaasi qabsaday u sheegay in mobile-ka uu noociisu yahay kuwa qaaliga ah oo uu sitay oo uu kaga tagay gaadhigii oo wiilkaasi oo u maydhayey qaatay, balse wiilkaasi ayaa gaashaanka ku dhuftay oo sheegay in Afhayeenku aanu gaadhiga gudihiisa wax mobile ah kaga tagin oo uu meel kale kaga yimid.




Afhayeen Dhuxul iyo wiilkaasi ayaa xiligaasi goobtaasi oo uu ku sugnaa wariye ka tirsan Hilaac ayaa ku waramay in hadalka Dhuxul uu ka muuqday kibir iyo isla-waynaan sida uu wiilkaasi ula hadlaayey taas oo dadkii goobjooga ahaa ay aad ula yaabeen hadalada ka soo yeedhaya Afhayeenka madaxtooyada iyo habdhaqanada uu wiilkaasi ula dhaqmay.




Xigasho: Hilaacmedia.com