Sunday, August 4, 2013

Yusuf C. Garas: Xafiiska Xidhiidhka Mucaawimooyinka WFP wuxuu ku jiraa Dib u soo Kabasho, waxaana qorshaha..”


Hargeysa(GNA) – Maareeyaha Hay’adda Xidhiidhka Raashinka Qaranka Somaliland (Food Coordination Agency) Yuusuf Cismaan Garas ayaa ka waramay sababaha uu mudadii uu xilka hayey uu u sii dayn-waayey ee uu dhexda iskaga maray Mashaariicda Beeraha iyo Bali-yada ee ay ka wada-shaqayn jireen Hay’adda Cuntadda Aduunka ee WFP, kaas oo sheegay in hay’adaasi ay si sharciga Wadanka baalmarsan u maamusho Mashaariicdaas, xusayna inuu soo jeediyey in Wasaaradaha dawladda mid walba laga talo-galiyey Mashaariicda ku taxaluqa shaqada ay  Qaranka uga wakiilka tahay.




Yuusuf Garas waxa uu sidaas ku sheegay mar uu shalay Xafiiskiisa Magaaladda Hargeysa uu Waraysi Khaas ah ku siiyey Wargeyska Haatuf, kaas oo sidoo kale ka hadlay khilaaf la sheegay inuu ka dhexeeyo WFP, oo uu tilmaamay inaanu khilaaf ka dhaxaynin balse ay WFP isla fahmi laayihiin wada-shaqayntii ka dhaxaysay, tibaaxayna in Hay’addaasi ka gaws adaygtey inay fuliso shuruucda u dajisan dalka ee Xafiiskiisu wakiilka uga yahay Qaranka. Maareeyaha Hay’adda Xidhiidhka Raashinka Qaranka Somaliland (Food Coordination Agency) Yuusuf Cismaan Garas waxa kale oo uu ka waramay waxyaabihii u qabsoomay mudadii uu joogay iyo waxyaabaha aan wali u qabsoomin, kaas oo si qoto-dheer uga xog-waramay Carqaladaha hortaagan shaqada hay’adiisa.




Ugu horayna isaga Maareeyaha Hay’adan Yuusuf Garas ka hadlaya taariikhda Hay’adiisa iyo marxaladihii ay soo martey, waxa uu yidhi “Marka hore waxa aan jecelahay in aan in yar wax ka sharxo Hay’addan Qaran waxa loo aasaasay iyo ujeedadeeda. Magaca Hay’addu waxa uu yahay “Hay’adda Xidhiidhka Raashinka Qaranka JSL” (Food Coordination Agency) waxa ay ka mid tahay wakaaladaha u madaxbanaan shaqadooda ee la filjirsaday Xukuumadda uu hogaaminaayo Madaxwayne Ahmed Mohamed Mohamoud Siilaanayo’ oo hada 3 sano jirsatay. Ujeedada ugu culus ama laga leeyahay waxa ay tahay: In ay joogteyso isku xidhka Hay’adaha iyo wakaaladaha ku lugta leh heerarka qaybinta cuntada heer kasta oo ay yihiinba, hubisana in Hay’adahaasi ay ku dhaqmayaan siyaasadaha dawliga ah, qiimeynta iyo xeer-nidaamiyayaasha lagu maamulayo qaybinta mucaawinooyinka, Waxa ay samayn doontaa warbixino qiimeyn iyo daba-gal ah oo ku saabsan wax-ka-ogaalnimada barnaamijka cunto ku badalida shaqada (Food-For-Work),quudinta dugsiyada(School Feeding),nafaqaynta (Nutrition) iyo dhamaaan mashaariicda kale ee hay’adda WFP. Waxaana ay u diri doontaa warbixin Wasiirka Wasaarada Dib u Dajinta iyo Xafiiska Madaxwaynah JSL. Waxaana ka mid ah waajibaadka hay’addan Inay hubiso in cuntada dalka Somaliland ee laba iyo tobanka bilood ee soo socda in si sugan loo qiimeeyo looguna diyaar garoobo. Ka qayb qaadashada qorshaha dal ahaaneed ee khuseeya in dalku cunto ahaan isku filnaado, kana baxo ku xidhnaanta cuntada dalka dibada uga timaada iyo tan mucaawinooyinka ahba; Sahaminta  iyo daraasaynta, ururinta  xogaha  la xidhiidha  xaalada cuntada  ee dalka, kaalmada/haqab-tirka cuntada  wax soo saarka gudaha iyo dibadaba, soo dajinta  cuntada, sixirka  cuntada  iyo  duruufaha  la-xidhiidhaba. Waxa kale oo shaqadayadu tahay Diyaarinta iyo baahinta  warbixinada la xidhiidha farqada hore aan ku soo sheegnay. Ka qayb qaadashada iyo diyaarinta qorshayaasha  barmaamijyada  iyo istarajiyadaha ku saabsan cuntada dal ahaan,  Isu-duwida kaalmada dalka soo gaadha iyo u jahaynta kaalmada cuntada  qaabka ugu haboon ee ay wax ugu tarayso  baahida wakhtigaa taagan ee Somaliland, Xog-ogaal u noqoshada , ururinta  xogaha  iyo macluumaadka  iyo dhamaan warbixinaha  kaalmada cuntada loogu tallo-galey dalka Jamuuriyada Somaliland.




Waxa noo qabsoomay arimo badan oo aasaasi u ah shaqadan aanu hayno waxana ka mid ah:-




1. In aanu diyaarinay oo aanu dabagal ku samaynay mashaariicdii aan ugu imid ee qaarna socdeen qaarna markaas uun dhamaadeen, Waxa aanu ku guulaysanay in aanu helnay kana joojinay qaar badan oo ka mid ah kuwa la lunsaday raashinkoodii oo aan shaqadii la rabayna la qaban.




2. Waxa kale oo noo qabsoomay in aanu isku xidhnay oo xidhiidh wanaagsan oo is fahan leh ku soo celinay Hay’addan Xidhiidhka Raashinka iyo Wasaaradaha ama Laamaha kale ee Xugumada oo ay shaqo wadaag badani ka dhaxayso balse markii aan Xafiiska imid xafiisku waxa uu ahaa mid godoon ku jiray oo aan haba yaraate wax wada shaqeyn ah la lahyn Wasaaradihii shaqadiisu khusaysay iyo xugumadaba.




3. Waxa kale oo noo qabsoomay in aanu diyaarinay (Manual) nidaam lagu maamulo dhamaan mashaaricda lagu bixiyo food ka ama voucher ka oo ay bixiso Hay’adda WFP kuwaas oo ay ururo wadani ah iyo kuwa caalamiyaba fuliyaan oo diyaarinta waxa iska gaashaday Xafiiskayga iyo Wasaaradaha ay ka mid ka yihiin Beeraha, Macdanta iyo Biyaha iyo Degaanka, Wadooyinka etc.




4. Waxa kale oo aanu ku guulaysanay in aanu soo saarnay warbixin ka hadlaysa baahiyaha ka jira ama haysta Hay’addan Qaran iyo sidii xal ama dariiqi lagu Maareyn lahaa.




S; Sida Warar Xogogaal Ahi sheegeen waxa jira khilaaf u dhaxeeya Xafiiskaaga iyo Hay’adda WFP, arintaas maxaad ka odhan lahayd?




J:  Aan kuu saxo wax khilaaf la yidha ma jiro balse waxa jira in aan WFP uu soo bandhigay markii aan shaqada la wareegay ee aan aragnay Xafiiska iyo shaqada uu hayo sida uu uga war laayahay wixii waajibaadkiisa ahaa. Waxa aan soo jeediyey qaab ama habkii labada Hay’adood u wada shaqeyn lahayeen oo tilmaamaya wixii aanu Dowlad ahaan Waajib ku leenahay iyo wixii ay iyaguna waajib nagu leeyihiin. Waxa kale oo jira baadhitaano badan oo aanu samaynay mashaariicda la wada in ay u baahadeen in la tixgaliyo oo mashaaricda ay bixinayaan lagu saleeyo mudnaanta kuwa ay Dowladu u aragto oo la tixgaliyo (National Development Plan) ka Qaranka JSL.




S: Sida uu dhawaan shaaciyey Guddoomiyihii hore ee Hay’adda dhawrista Tayaddu WFP waxay dalka keentaa Raashin dhacay, Khatartaas aan la qarinkarina dabcan adiga iyo Xafiiskaaga ayey taabanaysaa oo Qaranka ugu xil saaran arimahaas, Maxaad ka odhan lahayd arintaas, Maxaase kuu qorshaysan inaad ka qabato khatarahaas?




J: Arintan waxa aan ka jawaabay oo aan kaga hadlay isla xafladaas oo aan joogay balse hadii aan hadana ka jawaabo mar hadii aad I waydiisay. Halka ay wax ka qaloocan yihiin ma waxa ay tahay Markii aan xilka la wareegay ma jirin nidaam ama wax wada shaqeyn ah oo ka dhaxeeyey labada Hay’addood ee Qaranka ah. Hay’ad ahaan waxaanu soo jeedinay in Wasaaradkasta Mashruuca khuseeye loo gudbiyo oo iyaduna oo aanu sidaas uga wada shaqayno, Dabcan waxa aad garan karta marka uu yimaado kala furnaansho ama iska war hayn la’aan waxa la huba in khasaare ama khaladaad badani imanayaan waana sababta uu Madaxweynuhu iigu magacaabay bal in ay suurtagal noqoto in la gaadho himiladii laga lahaa Hay’addan aan hada masuulka ka ahay. Gudoomiyihii hore ee Tayadda waanu ka wada hadalnay waananu isla afgaranay qaabkii labada Hay’adood u wada shaqeyn lahayeen. Hadii aanu nahay Hay’adda Xidhiidhka Raashinka waxa aanu wax ka badalnay in qaabkii ama nidaamkii cashuur dhaafka ee Raashinka WFP waana halka wax laga maamuli karo. Qaabka cusub waxa uu yahay maadama aanu nahay Hay’adda Isku-xidha Qaranka iyo WFP waxa waajib nagu ah in aanu helno wixii macluumaad ah ee loo baahan yahay isla markana aanu u gudbino cidii ay khusaysay si kadib marka ay shaqadooda ka qabsadaan waa in ay nagu soo warceliyaan oo aanu halkaas ka sii ogolaano anagu.




S: Waa Maxay Qorshahaaga Mudada aad xilka haysa, sideedse u kala horaysii isleedahay Qorshayaashaada?




J: Waxyaabaha noo qorshaysan mudada aanu xilka hayno Insha Allaah hadii aan kuu yar qodobeeyo waxa ka mid ah 1) Diyaarinta qorshihii 3-da sandood in aanu diya arino, 2) Ka faa’iidaynta sida ugu sareeraysa mashaariicda lagu qaato ama lagu bixiyo raashinada, 3) In aanu dhisno oo tayeyno shaqaalaha iyo xafiisyada Hay’addan Qaran, 4) In aanu ku dadaalo diyaarintii nidaamkii lagu heli lahaa xogaha dhuuniga khuseeya iyo kuwa kaalmadaha ahba.




S: Ugu danbay Yuusuf waxaad tahay nin dhalinyar ah, dabcan xukuumaddan Siilaanyo waxa ka mid ah Dhalinyaro badan oo aad qaarkood aqoon u leedahay, sideed u aragtaa Jaaniska dhalinyaradu heshay, mase isleedahay waxay xaq u leeyihiin Saamiga ay heleen mid ka badan?




J: Runtii waa su’aal mihiim ah, waxaanan anigu u arkaan hadii aan fikirkayga ku cabiro arintaasi inay tahay arin mudan in looga mahadceliyo Madaxweynaha JSL Axmed Siilaanyo, xaqiiqdiina ma odhan karo dhalinyarada dalkeenu way heleen samigoodi balse hadana waxa aan la qarin Karin oo hubaal ah 20-kii sano ee Somaliland jirtay waa markii ugu horaysay ee saami intaas leeg ay helaan dhalinta Wadankeenu oo ay ka qayeb qaataaan siyaasada ama xukuumadda taladadeeda, waana wax la odhan karo waa horumar aad iyo aad u taban oo midho dhal badana keeni kara. Markii hore aniga is lahaa  mid ama laba masuul uun baa kaa yar balse hadeer waxa ay noqotay tiro badani oo da’yari timaado waxa aan u rajaynaya guul




 




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com