Wayne Rooney ayaa ugu danbeyn diyaar u ah inuu qasbado inuu ka dhaqaaqo Manchester United, sida ay sheegayaan Sunday Mirror iyo Mail on Sunday.
Weeraryahanka England ayaan dooneynin inuu kursiga keydka u fadhiyo Robin Van Persie, waxaana la filayaa in maalmaha soo socda uu u gudbiyo Red Devils warqada uu sida rasmiga ah ugu codsanayo in la iibiyo.
Chelsea ayaa durbaba laga soo diiday hal dalab oo ay ka gudbisay 27 jirkaan, laakiin waxa uu diyaar u yahay inuu si cad u soo bandhigo inuu doonayo inuu ka tago Old Trafford si ay taas u soo dedejiso bixitaankiisa.
Kooxda Blues ayaa isku diyaarineysa dalab labaad oo xilli dhow ay ka gudbi doonto Rooney kaasoo lagu sheegay 40 milyan ginni, waxaana weeraryahanka reer England uu diyaar u yahay inuu noqdo gooldhaliyaha koowaad ee Jose Mourinho ee Stamford Bridge.
United ayaan dooneynin inay Rooney ka iibiyaan koox ay ku xafiiltamayaan Premier League, laakiin Mourinho ayaa hore u cadeeyay in ciyaaryahanka kaliya ee diirada u saaran uu yahay Rooney.
Rooney ayaa markii ugu horeysay si cad loo wada jeedo loogu arki doonaa isagoo u ciyaaraya United tan iyo 5tii May kulanka saaxiibtinimo ee ay talaadada la ciyaarayaan IAK Stockholm, waxaana uu Old Trafford ka soo muuqan doonaa jimcaha kulanka lagu maamuusayo mustaqbalka ciyaareed ee Rio Ferdinand oo ay la ciyaarayaan Sevilla.
Rooney ayaa shalay ciyaaray 45 daqiiqo kulan albaabada u xiran yihiin oo ay la yeesheen Real Betis, waana markii ugu horeysay uu garoomada ku soo laabto tan iyo dhaawaciisii u diiday booqashadii kooxda ee Asia iyo Australia.