Hargeysa (GNA) – Sacdiya Yuusuf Balax oo ka mid ah dadweynaha ku nool caasimada dalka ee Hargeysa, isla markaana ka mid ah macaamiisha isticmaala Biyaha Wakaalada Biyaha ee Hargeysa, ayaa cabasho ka muujisay in Biyaha laga jaray saddex jeer iyadoo aan biil lagu lahayn oo ay si toos ah u bixiso lacagta Biyaha. Waxaanay intaa ku dartay in markii la gooyay saacadii biyaha ugu xidhayd u tagtay agaasimaha qaabilsan hawlahaasi ee Wakaalada Biyaha, isla markaana u sheegtay cabashadeedaa ay tilmaantay inuu wax ka qabto balse uu ugu jawaabay ka bax xafiiska. Sacdiya Yuusuf Balayax iyadoo arrinkaa ka hadlaysana waxay tidhi “Waxaan ka mid ahay macaamiisha isticmaala Biyaha Wakaalada Biyaha ee Hargeysa waxa dhacday in Saddex jeer ay Wakaalada Biyuhu iga goysay saacada ii xidhnayd iyadoon wax biilla laygu lahayn, ka dibna markii aan agaasimaha u cawdayna xafiiska ii dhaaf ayuu igu yidhi, arrinkaas oo aan la yaabay masuul aan u cawday oo yidhi xafiiska ii dhaaf, sidaa darteed waxaan leeyahay masuuliyinta sare ee wakaalada Biyaha arrinkaa cabashada ah ee anigoo lacagtii biilka ahayd ee biyaha bixiyay hadana biyihii layga jaray in wax laga qabto”.
Waxaanay ugu baaqday masuuliyiinta sare ee wakaalada Biyaha in dhacdadaasi wax laga qabto, isla markaana la hubiyo cidda lagacta biyo lagu leeyahay ee aan biilka bixin iyo cidda bixisay biilka. Hase yeeshee Noomay suura galin in aanu wax ka waydiino cabashadaasi Masuuliyiinta Wakaalada Biyaha Hargeysa. Si kastaba ha ahaatee dadweynaha caasimada Hargeysa ayaa dhibaato ka tirsada Wakaalada Biyaha iyo Wakaalada Korontada Hargeysa, kuwaas oo ay sheega in aan mararka qaar si toos ah aanay u soo doonan shaqaalaha Wakaalada Korontadu Biilka Laydhka, taas oo dadweynuhu ay ku cawdaan in la isku gaadhsiiyo oo marka dambe ay culays ku noqoto bixintoodu.
Gobanimonews
Hargeysa Office