Tuesday, August 6, 2013

Xiisadaha Masar oo sababay Dood ku saabsan Magac u bixinta Caruurta !!


(GNA) Magaalada Koom Xamaada ee Masar waxaa ka dhacay arrin aan iyadoo kale horay loo arag, taas oo ah in la qabtay Kulan Dhex-dhexaadin ah oo loo sameeyay Aabe iyo Hooyo, kuwaa oo isku khilaafay Magaca ay u bixinayaan ilma yar oo markaas u dhashay.




 




Aabaha ilmaha yar uu dhashay oo Wiil ahaa ayaa ku adkeeystay in Ilmaha cusub loo bixiyo Cabdifataax Al-Siisii, isagoo loogu magac darayo Ninka Milatariga Masar ugu sareeya ee horkacayay Go’aankii Xilka loogaga qaaday Madaxweynaha Dalkaas Maxamed Mursi.




 




Hooyada ayaa arrintaas ka biya diiday, waxayna ku adkeeysatay in Wiilkeeda loo bixiyo Cali.




xisadaa ka dhalatay magac bixinta ilma yar ayaa cirka isku shareertay.




 




Markaa ka dib waxaa la isugu yeedhay Ehelka Reerka oo Dood dheer ka dib isku raacay in Wiilka loo bixiyo Cabdifataax Al-Siisii.




hadaba arinta dadka deegaanka koom xamaada ayaa waxaa soo jiidatay dhacdadan dhacdo ka horeysay bishii in dhaaftay ay maxka midi sidan oo kale qos isku haysta ilmo yar oo markaa dhashay loo bixiyo taas oo ay labada waalid aabaha reerka uu ku doo dayay in wiilka kiisa ay loo bixiyo max'ed mursi hooyada dhashayna ay ku adkey satay in loo bixiyo cabdifataax al-siisii




dhacdadan ayaa soo jiidatay dadka ku nool masar iyo dunida dacaladeeda. taas oo loo xukumay aabaha dhalay magaca wiilkii yaraana uu noqday mursi.




Qoyska la baad ee ku kala doo daya Al-siisii iyo magaca cali ayaa




Aabaha Wiilka dhalay wuxuu Al-Siisii u arkayaa Nin bad-baadiyay Kacdoonkii 30-ka June ee sababta u noqday in Xukunkii Milatariga ee Xusni Mubaarak oo Sodomeeyo Sano jiray meesha laga saaro.




 




Al-Siisii waxay Dad badan ku taageereen Go’aankii uu Xukunka ugaga qaaday Madaxweyne Mursi, maadaama uu raacay Rabitaanka Shacabka Malaayiinta gaadhaya ee Mursi ka horyimid, sida ay Dadka Jeneraalkan Ciidanka Milatariga ugu sareeya taageersani qabaan.




 




Laakin Taageerayaasha Mursi oo iyaguna Tiro badan leh ayaa tan iyo markii Milatarigu ay Go’aanka ridista Madaxweynaha soo saareen dhigayay Dibad-baxyo ballaadhan, iyagoo ka horjeeda arrintaas.




 




Tani waxay abuurtay Xaalad kacsanaan ah oo wali Masar ka jirta, waxaana dhintay Dad aad u tiro bada