Kampala(GNA)-Raysal-wasaare ku-xigeenka somaliya, Wasiirka arrimaha Dibada Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan (Qabile), ayaa ku gacan-saydhay khilaaf ka dhexeeya dawlada Kenya iyo dawlada Federaalka somaliya, waxaanay meesha ka saartay jiritaanka warar beryahan dambe soo baxayay oo sheegayay in muran ka dhashay hawl-galada Ciidamada Kenya Jubbooyinku ka dhexeeyo labada dal.
Hase ahaatee Wasiirka arrimaha dibada ee Kenya ayaa dhinaceeda si taxadar siyaasadeed ka muuqdo u sheegtay inay adagtahay in dawlada somaliya la wareegto Maamulka Goboladda Jubooyinka Ilaa laga helayo amaan buuxa oo suurto gelin kara maamul iyo kala dambeyn.
Foosiye Xaaji Aadan oo warbaahinta la hadashay Axadii shalay markii la soo gabagabeeyay shir ay Magaalada Kampala ku yeesheen waddamada ay Ciidamadu ka joogaan somaliya, ayaa sheegtay in Kenya ay tahay saaxiib naf iyo Maalba u huray dib u soo celinta Nabad-gelyada somaliya.
“Kenya waa dal aanu saaxiib nahay waa dalka marti geliyay Boqolaalka qof ee Qaxoontiga somaliyeed ah, waa dalkii marti-geliyay shirarkii dib u heshiisiinta somaliya, waa dalkii lagu dhisay dawladii somaliyeed, waa dalka iminkana Ciidankiisii ugu deeqay xoreeyaan dhulka somaliya oo ay dhiigooda u huraan sidii loo xorayn lahaa waddankayaga, markaa yaan nalaga dhex faa’idaysan oo xumaan nalaga dhex abuurin”ayay tidhi.
Waxaanu intaasi ku dartay “Kenya wax Khilaaf ah oo naga dhexeeyaa ma jiro, ee waxaan leeyahay somalidu dib ha isugu noqoto oo haka shaqeeyaan sidii ay dalkooda uga xorayn lahaayeen Argagixisada iyo caddowga”.
Geesta kale, Wasiirka arrimaha dibada ee Kenya Aamina Maxamed Jibriil, ayaa sheegtay iyadoo ka hadlaysa arinta Kismaayo iyo Khilaafka ka taagnaa Maamulkeeda, ka hor intii aan shalay la go’aamin in dawlada Federaalka ah lagu wareejin Dekedda iyo Madaarka Magaalada, inay dawlada somalida ku adagtahay inay maamusho meel aanay gacanta ku hayn oo aanay nabad-gelyo ka jirin.
“Way adagtahay inaad Maamusho meel aan gacantaada ku jirin oo aan amaan ka jirin, laakiinse waxa muhiim ah in horumar jiro”.
Hadalada labada Masuul ayaa ku soo beegmaya muddo bil ah ka dib, markii ay soo baxeen xogo sheegaya inuu jiro Khilaaf huursan oo ka dhexeeya Nairobi iyo Muqdisho, kaasoo salka ku hayay dagaaladii ka dhacay Magaalada Kismaayo bishii la soo dhaafay.
Dagaaladaasoo dawlada Kenya lagu eedeeyay inay ciidamadeedu ku lug lahaayeen, isla markaana ay taageereen qaar ka mid ah maleeshiyaadkii ay hogaaminayeen Hogaamiyayaasha sheeganaya Madaxweynaha Jubbaland.
Gobanimonews
Muqdisho Office
Email: editor@gobanimonews.com