Tuesday, August 6, 2013

Maamuuska Qurba-Joogtu, Wuxuu Dhiirigalinayaa Tahriibta!!!.By: Cabdifataax Sh. Nuux


Xasuuqa Tahriibku Geysto Gummaadiyo Geeri Foolxun Hooyooyinka Weerka Goostay




Shilkani Kugu Gaafwareegay




Waxuunbaa Laga Guntaaye




Miyeydaan Kaba Gabboobin? …………Abwaan Weedhsame




May ahayn arrin ugub ah, waxayse ahayd arrin curad ah, wallow aan odhan karo waxay ku soo beegantahay wakhti aan munaasib ahayn, oo aan marnaba la filayn, sidaynu wada ognahay waktiga loo yaqaano xagaaga ( Summer time ), waa wakhti ku caan ah in qurbo joogta Somaliland dalka dib ugu soo noqdaan iyagoo dhamaantood soo cago dhigta dhulkooda hooyo. Qurbo joogta Somaliland waxay qiimo badan ku leeyihiin dhulkooda hooyo, oo si xushmad, karaamo iyo qadarin badanba loogu soo dhaweeyo, qurbo joogta Somaliland waxay xoog uga qayb qaataan dib udhiska wadanka, waxay ka qayb qaataan qaadhaanada wax loogu ururinayo qaranka Somaliland, waxay hadh iyo habeen taagero buuxda soo siiyaan ehelkooda, qaraabadooda, asxaabtooda iyo axbaabtoodaba, marna lama dafiri karo doorka ay ka qaateen dib u dhiska qarankan yar ee curdinka ah ee hadda uun 22 jirsatay, dhamaan shacabka Somaliland waxay u hayaan abaal aan marnaba la dafiri karayn qurbo joogta qarankeenna, igumay ahayn wax cusub inaan arko qurbo joog la casuumo, waanay mudan yihiin in mar iyo lababa la casuumo, waxaase dhakafaar, u qaadanwaa, iyo wax maankayga iyo maskaxdayda ka waynaaday igu noqotay markaan ku war helay in madaxwaynihii dhamaa ee qaranka jamhuuriyada Somaliland uu ka qayb galay casho sharaf loo sameeyay xubnahaa qurbaha ka  yimid, waxaa maskaxdaya ku soo degdegay suáalo badan oo maankayga iyo maskaxdayda dhalin geddiyay oo jawaab saxa aan u waayay, waxay ahayd ayaamo yar uun ka hor markii uu madaxwaynuhu  magacaabay guddi la magac baxday “Gudiga Ka Hortagga Tahriibta Iyo Shaqo Abuurka ”, gudigaas oo aan u arkayay inuu ahaa mid macquula madaxwaynuhuna magacaabay wakhtigii ku munaasibka ahayd, balse markay maanta arintani timid waxay ahayd wax laga naxo, ka hortagga tahriibka iyo dhiiri galinta tahriibta, waa laba aan is qabanayn marnaba, sidee ayay u dhacaysaa waxaanu ka hor tagaynaa tahriiba iyo inta dalka ka sii baxaysa, sideebayse suuro gal u noqonaysaa waxaanu casuumaynaa inta qurbaha ka timid ee baasaboorka casaanka iyo madawga sidata ayaanu xaflad gaara u qabanaynaa oo uu xubintii ugu saraysay qarankuna ka soo qayb galayaa, taasi macnaheedu waxaa weeyaan qiimaha ay leeyihiin dadka qurbo joogta ahi, markaa sidee  ayay suuro gal u noqonaysaa inankii yaraa ee tahriibayay markuu arko sida loo qadarinayo saaxiibkii oo shalay qurbaha tagay, maantana sida magaca qurbo jooge oo wuxuu haystay wax loogu daray, isaguna uu halkii uu ka mudnaan lahaa ka qurbaha ka yimid ilayn dalkii ayuu  sii joogee, la galiyay cagta hoostiisa iskadaa soo soo hadal qaadoo aan la ogayn jiritaankiisa, waxaan xasuustay wiil habeen igu yidhi hal kalmad oo ahayd “Waxaan Doonayaa Inaan  Tahriibo Si Aan U Noqdo Qurbo Joogta Sanadka Danbe Lagu Casuumi Doono Qasriga Madaxtooyada “ lamaan yaabin kalmadaasi afkiisa ka soo baxaysay, waxaanan u arkayay wax daw ah inuu yidhaa, kalidiina maaha ee dhalinyaradii wadanka joogtay oo dhan ayaa wada hiyi kacday, maanta munaasib kumay ahayn wakhtigii la casuumi lahaa qurbo joogta, ma diidani in la casuumo waxayse ahayd inay iyagu jeebkooda ka bixiyaan waxa lagu casuumayo, dalku wuxuu leeyahay wasiiro iyo cid loo igman karo ka qayb galka casuumadaha yar yar ee aan macnaha badan ku fadhiyin, maxaa keenay in maanta hogaamiyihii dhamaa ee qaranku uu xaflad sidan aan u qiimo badnayn ka qayb galo, miyaynaan odhan karayn waxaa maalin kasta dhaca xaflado ka qiimo badan casuumad iyo wax la mida, oo maalinkasta waxaa qalin jabiyay intaasoo arday ah oo qarankan u soo baxa, dhiiri galina u baahan, maalin kasta waxaa soo baxaya intaasoo arday oo quraanka xafiday, miyayna kuwaasi ka istaahilin inuu madaxwaynuhu xafladahooda ka qayb galo oo uu ku dhiiri galiyo dadaalka iyo wadankooda inay wax taraan, sidee ayuu dareenkaagu ahaanayaa markaad aragto qurbo jooge la casuumay ? shaki igagma jiro xafladaasi inay sii horseedi doonto inuu isa sii libin laabto tahriibku, in badan oo aan niyada ku hayna ay ka hayaami doonaan wadankoodan, una socdaali doonaan iyagoo u badheedhaya dhibta, rafaadka,kulaylka iyo hanfiga saxaaraha, si ay u noqdaan qurbo joogta bari, waayo tahriibaha maantu hadii uu nabad galo shaki igagama jiro inuu si dagdaga u qaadan doono magaca Qurbo Jooge, ka dib sanado yar ka bacdina xaflad casuumad sharafeed casho ah oo tanoo kalaa uu ka qayb qaadan doono, ugu danbayntii waxana ku talin lahaa in madaxwaynuhu hadii uu casuumay qurbo joogta, ay  Qolqol joogta,Quus u joogta, , Qeyrkood u joogta ,Qolo u joogta, Qiiro u joogta, Qaxar u joogta & Qas u joogtuba  casuumadoodii ka  sugayaan madawaynaha, naawilayaana dhawaan inaad kala soo qayb gali doontid si la mid ah tan qurbo joogta, kharashkana ay xukuumadu bixin doonto ilayn iyagaaba uga xaq badan kuwa maqane ee aad casuunteene, isku soo wada duuboo waxaan ku talin lahaa inay xukuumada ka waantoydo waayo arag laáanta ka haysa waxyaabo badan, intaan hawlahaa oo kale la galina laga wada tashado saamaynta ay yeelan karaan arimaha caynkaas ahi, ugu danbayntiina waxaan leeyahay kamaydaan hor tagin tahriibee, waydun sii dhiiri galiseen, waxaynu dhawri doonaa waayaha, waxaynu sugi doonaa saamaynta ay xafladaasi ku yeelato dhalinyarada,waxaynu eegi doonaa meeshay ku danbayso, qurbo joogtana waxaan leeyahay, idinkaa wax la idinka filayay ee maydaan istaahilin in maanta casho iyo casuumad aad ku qanacsanaataan, in badan oo baahi hayso ayaa wadanka joogta intaasaa istaahishay, waxaanan ugu danbayntii ku soo- af xidhayaa maqaalkayga Meeriskii uu abwaan tarabi yidhi ee ahaa ( Ninka Dibiga Qalayee, Dibjirkina Qadiyee, Quro Joog Casuumow, Duco Kuuma Soo Hoyan ) waxaanan leeyahay “ Tahriibaha Maantu, Waa Qurbo Joogaha Bari ”




Qalinkii : Abdifathah Sh.Nouh Jamac ( Suldanka )




Email: Samriye99@homail.com




Mobile: 4474468




My Blog: Sudlaanabdifatah.blogspot.com