Saxiixa cusub ee Barcelona Neymar ayaa sababta kursiga keydka uu u fadhiyay dhawaanahan waxa ay aheyd isagoo la ildaran dhiig yaraan soo wajahday ama Anaemia, sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Brazil iyo Spain.
21 jirkaan ayaa xagaagan adduun lacageed oo gaaraya 57 milyan euro ugu soo biiray Barcelona, laakiin waxa uu ku bilaabanayay kursiga keydka ciyaarihii u danbeeyay ee saaxiibtinimo.
Waxaana haatan laga yaabaa inuu seego socdaalka ay Barcelona ku mareyso Asia isagoo ay u bilaaban doonto daweyn la xiriirta dhiig yarida soo wajahday. Waxa uu haatan la socdaa Barcelona oo booqasho ku joogta Falastiin iyo dhulka ay heysato Yuhuuda.
Anaemia ayaa ah erey asalkiisa uu ka yimid Gariig, waxaana erey ahaan ay la micno tahay ‘dhiig yaraan.’
Waxaana ay Anaemia soo baxdaa marka ay yaraadaan unugyada cas cas ee dhiiga ama marka uu dhiiga ku yaraado in ku filan oo haemoglobin ah.
Anaemia waxa ay sababi kartaa in dadka ay dareemaan daal ama tababar darro, waxaana ay sidoo kale sababi kartaa neeftuur, wareer iyo madax xanuun.
Barcelona ayaa tababar gaar ah u qorsheysay Neymar inta uu ka soo kabsanay xaaladan uu ku jiro.
Ma ahan ciyaaryahankii ugu horeysay ee Anaemia soo wajahdo. Wesley Sneijder ayaa miir daboolmay xilligii nasashada ciyaar ay Inter ciyaareysay 2010kii, waxaana baaritaan lagu sameeyay lagu ogaaday inay Aneemiya tahay.
Neymar ayaa arimo yaryar oo caafimaad durbaba wajahay xagaagan. Kaliya bishii hore ayay aheyd markii uu qaliin maray oo quun laga soo jaray.