(GNA) Khuburo dhaqaatiir ah ayaa odorasay in ilmaha yar ee abeydinka ah nooca cunto ee uu ubaahan yahay in uu jidhkiisu ku kobco daraasadan oo ay khuburo hore ay soo saareen cuntooyinkan qeb kamida ah ayey hadana imika kusoo dareen in kale oo aaney khuburadii hore si guud uga faalootay.
Dhaqtarad Caruurta ah oo la yidhaa Monica Nihaws ayaa sheegtay in Ilmaha yari ay aad ugu baahanyihiin qaar ka mid ah Cuntooyinka Dufanta leh, si ay u helaan Koboc Jidheed iyo Horumar Maskaxeed.
si guud ugama faa’ideeysan karo Fitamiinada Muhiimka ah eek u jira Cunooyinka qaar, hadii aanu helin kuwo Dufan leh, sida ay Dhaqtaradu xustay.
Drs. Nihaws oo Xubin ka ah Daladda Dhaqaatiirta Caruurta iyo Dhalinyarada ee Jarmalka ayaa tibaaxday in Hadalkeedu aanu ka dhigneyn in Ilmaha loo ogolaado cunista Xaddi badan oo Dufan ah, balse loo baahanyahay in Maalintii ay helaan 30% .
Xaddigaas ay Caruurtu helayaan waxaa ku jira 60 illaa 70 Grams (gm) oo Dufan ah,taas oo ay helayaan Ilmaha u dhexeeya 7 illaa 10 jir, halka 80 illaa 95 Grams oo Dufan ahna ay helayaan kuwa ay Da’doodu u dhexeyso 13 illaa 15 Sano.
Dhaqtaradan ayaa xaqiijisay Muhiimadda ay leedahay in lagu baraarugsanaado Noocyada Dufanta ee Ilmaha la siinayo.
Diyaariye:C/qaadir Askar
askars4@hotmail.com
Gobanimonews.com