Hargeysa(GNA)-Hay´ada Al-Nakhiil ayaa Ciid-siisay 180 ka mid ah caruur agoomaha ee ku jira Xarunta dhalinta kacaanka ee Caasimada Somaliland Hargeysa. Si ay ula farxaan dhigooda kale.
180-ka caruurta agoomaha ah ee la ciiid-siiyey ayaa 150-ka mid ahi yihiin rag, halka 30-ka kalena yihiin hablo, kuwaas oo ku farxay markii dharka ciida loo keenay.
Munaasibadii loo sameeyey wareejinta deeqdan dharka ah oo lagu qabtey shalay xarunta agoomaha ee Magaalada Hargeysa ayaa waxa ka soo qeybgalay, guddoomiyaha hay?ada Al-Nakhiil Xasan Maxamed Diiriye, Siciid Cabdi Gaboobe oo ka mid ah guddida xarunta agoomaha iyo Agaasimaha Xarunta agoomaha Hargeysa Caasha Maxamuud Qaalib, iyo marti sharaf kale.
Guddoomiyaha hay?ada Al-Nakhiil Xasan Maxamed Diiriye oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi "Hay´ada Al-Nakhiil waa hay?ad ka shaqeeya horumarinta dadka, tacliinta iyo Caafimaadka, oo ka shaqeysa mandaqada Geeska Afrika, gaar ahaan waxay si gaara uga shaqeysa Somaliland iyo Soomaaliya. Annaga hay’adan waxqabadkayagu waxa uu ku saleysan-yahay inay meesha ay baahidu ka jirto aanu ka shaqeyno oo aanu wax ka qabano oo aanu horumar ku soo kordhino".
Mar uu Xasan Maxamed ka hadlayey deeqda dharka ah ee ay hay?adoodu ku wareejisay caruurta agoomaha Hargeysa waxa uu yidhi "Maanta (Shalay) barnaamijka aanu halkan ka fulinaynay waxa uu ahaa deeq dharkii Ciida ah oo aanu ku wareejinay xarunta agoomaha ee Magaalada Hargeysa, deeqdan dharka ah oo la siiyey 180-qof oo 150 ay yihiin rag, halka 30-ka soo hadhayna uu yahay hablo, tusaale ahaan inanku waxa uu qaatey Surwaalkii, Shaadhkii, Kabihii iyo sharabaadadii, hablahana waxaanu u keenay Kurdadii iyo kabihii iyo dhamaan waxay ku ciidi lahaayeen."
"Waxaan u mahad-celinaynaa hay’ada bisha Cas ee dalka Imaaraadka Carabta oo noo soo dhiibtey deeqdan dharka ciida ah, ILAAHAY ha ka jisaa?isiiyo hay?adaasi,waxaanan mustaqbalka dhow rajeynayanaa inaanu wax baddan la qaban doono agoomaha ku jira xarunta dhalinta kacaanka ee Magaalada Hargeysa"Ayuu yidhi Xasan Maxamed.
Agaasimaha Xarunta agoomaha Hargeysa Caasha Maxamuud Qaalib ayaa waxay u mahad-celisay hay?ada Al-Nakhiil ee deeqdan dharka ciida soo gaadhsiisay iyo weliba hay’ada Bisha Cas ee dalka Imaaraadka Carabka oo deeqdan hor ILAAHAY ugu soo deeqday caruurta agoomaha ee ku jira dhalinta kacaanka ee Magaalada Hargeysa, waxaanay ILAAHAY uga bariday inay meeshii ay ka soo saareen deeqdan wax ka weyn ugu bedelo oo ajar iyo xasanaad ka ILAAHAY ka siiyo.
Khalid Costo
Gobanimonews
Hargeysa Office