iyadoo manta ay ku beegnayd munaasibada ciidul fidriga ayaa waxa si wayn looga ciiday guud ahaanba magaalada boama ee xarunta gobalka awdal
salaada ciidul fidriga ayaa waxa ay shacabwaynaha gobalka awdal ku tukadeen masaajidada iyo waliba garoonada kubada cagta gaar ahaan garoonka xaaslayda ee magaalada borama halkaasi oo ay iskugu yimaadeen kumanaan kun oo shacabka ku dhaqan gobalka awdal.sidoo kale salaada ciida ayaa dadwayne aad utiro badan oo ku tukaday masaajidka wayn ee jaamaca magaalada borama waxa kala qayb galay salaada ciida qaar kamida golaha wasiirada jamhuuriyada Somaliland oo ku sugnaa maalmihii udanbeeyay magaalada borama, gudoomiyaha degmada, culumaa udiin iyo qaar kamida xildhibaanada golaha deegaanka degmada borama
kadib markii la tukaday salaada ciida waxa halkaasi hadalo kala duwan ka jeediyay isla markaana ugu hambalyeeyay shacabka gobalka awdal munaasibada ciidul fidriga.wasiirka wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada somaliland, wasiirka wasaarada beeraha jamhuuriyada Somaliland, gudoomiyaha degmada iyo culumaa,udiin. kuwaasi oo dhamaan umada reer Somaliland hambalyo udiray islamarkaana illaahay uga baryay inuu ciidan ciideeda ku gaadhsiiyo. Bash bash,barwaaqo, nabadgalyo iyo caafimaad qab
geesta kale marka aad u kacdid suuqa magaalada borama iyo goobaha hotelada ee ay dadku iskugu yimaadaan waxa ay indhahaagu qabanayaan dadwayne aad ufara badan oo ka qaybqaadanaya munaasibada ciida. dadka tirade badan ee iskaga kala gooshaya wadooyinka halbawlaha u ah magaalada ayaa ubadnaa caruur iyo dhalinyaro iyadoo ayna ka maqnayn dadka waayeelka ah. si kastaba ha ahaate ciidan ayaa ciidii hore kaga duwanayd marka loo eego magaalada borama ee xarunta gobalka awdal (Roob) uu illaahay ku nimcaystay dadkiisa kaasi oo da,ayay mudo kooban. Sidoo kale hadaan eegno deegaanada hoos yimaada gobalka awdal ayaa dhamaantood si balaadhan looga ciiday sida ay khadka taleefanka iigu xaqiijiyeen maamulada deegaanadaasi
WARIYE:Mustafe caraale.“borama”
Caraale_143@hotmail.com
.