Hargeysa(GNA)-Wali Bilayska Gobolka Saaxil waxa la sheegay inay sii wadaan soo qab-qabashada xubno ka mid ah Bulshada Rayidka ee degmada Abdaal oo dhawaan taageeray Golaha wada tashiga iyo toosinta qaran, kuwaasoo qayb ka ah dadkii dhawaan la xidh-xidhay.
Ilaa shan xubnood oo ka mid ah Odayaasha degmada Abdaal ayaa Bilaysku xabsiga dhigeen Habeenkii Arbacadda ee la soo dhaafay, waxaana la sheegay inay sidoo kale raadinayaan dad kale oo iyaguna degmadaasi ka soo jeeda.
Habeenkii Salaasadu soo gelaysay ayaa laga qab-qabtay Magaalada ilaa sagaal qof oo isugu jira Dumar iyo Dhalinyaro, ka dib markii ay Warbaahinta ka taageeray Golahaasi dhawaan lagu dhawaaqay ee Toosinta Qaranka, kuwaasoo sideed ka mid ah loo taxaabay Xabsi ku yaala Berbera, midna soo dhadhiciyay Hargeysa.
Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde ayaa la sheegay inuu amray in dadkaasi la soo daayo Arbacadii doraad, ka dib markii ay Ergo ugu tageen xubno ka mid ah Hormuudka Golaha toosinta ee Taageeradooda loo xidhay, kuwaasoo ay ka mid yihiin Guddoomiyaha Golahaasi Xasan Guure, Xasan Ciise Jaamac iyo xubin kale oo ka mid ah Golaha.
Amarka Wasiir Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa la sheegay inuu ka horyimi Wasiir ku-xigeenka amniga qaranka ee Wasaaradda arrimaha gudaha Cabdilaahi Abokor Cismaan, kaasoo la sheegay inuu ku gacan saydhay sii deynta dadkaasi, isagoo fulinaya awaamiir kale oo kaga timi dhinaca Madaxtooyada.
Dhinaca kale, waxa warku intaasi ku darayaa in xubno ay ka mid yihiin Muj Ibraahim Dhego-weyne oo Golaha ka socdaa ay wasiir ku-xigeenka amniga Ergo ugu tageen si dadkaasi xoriyadooda loo soo celiyo, balse inta uu markii hore ka aqbalay, hadana ku sii adkaystay go’aankiisii hore, saacado kooban uun ka dib.
Muj Axmed Ibraahim Wadne oo ka mid ah Wax-garadka Gobolka Saaxil, ayaa si kulul ugu eedeeyay Aqalka Madaxtooyada, Maareeyaha Dekedda Berbera iyo Wasiir ku-xigeenka amniga xadhiga Mawaadiniinta fikirkooda lagu xidhay ee laga qab-qabatay degamada Abdaal maalmihii la soo dhaafay.
Muj. Wadne ayaa talaabadan ku tilmaamay mid abuuraysa Kacdoon shacbi , dhibaatona ku ah dadka rayidka ah ee cabudhinta iyo cago-juglaynta lagu hayo “waxaanu u aragnaa arinta socota mid shacbiga lagu kicinayo, mana soconayso in shacbiga la cabudhiyo, oo saxaafadda la cabudhiyo, la yidhaahdo cid hadli kartaa ma jirto, waayo annagoo 18 jir ayaanu Xabad laabta u dhignay oo aanu ka dhiidhinay waxa iminka socda” ayuu Gobanimonews u sheegay Muj Waddne.
Waxaanu intaasi ku daray “xadhiga dadkaasi waxa ka dambeeya oo wali xabsiga ku haysta wasiir ku-xigeenka amniga Cabdilaahi Abokor Ninka la yidhaahdo oo diiday inuu fuliyo amar wasiirka arrimaha guduhu ku bixiyay in dadka la sii daayo oo qoraal ah, waxaanu ka lib haystaa aqalka madaxtooyada isaga iyo Ninka maareeyaha ka ah dekedda Berbera”ayuu yidhi.
Si kasta ha ahaatee xadhiga dadka rayid ah ee taageeray aragtida Golaha wada-tashiga ayaa u muuqda inuu saamayn ku yeeshay qabsoomida kulan la filayay inuu dhex maro Madaxweynaha iyo golaha, ka dib dhexdhexaadin caqabado soo waajaheen oo ay wadeen xubno is-xilqaamay oo ka mid ah salaadiinta Somaliland.
Dadka qaar ayaa hadal haya inuu bur-buray wadahadalkaasi, isla markaana ay fashileen faro-gelino kaga yimi xubno ka mid Golaha Wasiiradda oo qalin daaray hawshii ay wadeen salaadiintu, kuwaasoo doonaya inaanu qabsoomin kulankaasi.
Waxaana wasiirada arintan soo faro-geliyay ka mid ah wasiirrada ugu awooda badan xukuumadda oo uu ka mid yahay Wasiirka Madaxtooyada, kuwaasoo la sheegay inay xubnaha salaadiinta qaarkood gacan saar khaasa la sameeyeen.