Johanesburg(GNA)Dalka koonfur Afrika waxa ku nool in ka badan Lixdan Kun oo qof oo samali ah, kuwaasoo u badan Ganacsato iyo kuwo ka xoogsada magaalooyinka waaweyn ee waddankaasi.
Dadkan ayaa sida la soo wariyay, waxay u badanyihiin kuwo waddankaasi galay tobankii sanadood ee ugu dambeeyay, inkasta oo ay jiraan kuwo in badan ku noolaa oo la qabatimay nolosha iyo dhaqanka Bulshooyionka dalkaasi.
Xaalado amaan daro, dilal soo noqnoqday iyo Boob lagu sameeyay Goobaha ganacsiga ee ay somalidu ku leedahay Magaalooyinka dalkaasi ayaa shantii sanadood ee ugu dambeeyay ahaa arimo caqabad iyo walaac badan ku abuuray Kumanaan somalida ee halkaasi ku nool ka mid ah, taasoo sanadba sanadkii uu dambeeyay sii xumaanaysay.
Ka dib Boob loo geystay boqolaal Tukaan iyo Goobo kale oo ay somalidu leedahay iyo dil loo geystay dad badan, hada waxa soo baxaya inay dadka somalida ah laftoodu door ku leeyihiin dhibaatada lagu hayo, dhawr sababood awgood.
Laba arrimood ayaa ugu waaweyn doorka ay somalidu ku leeyihiin dhibaatada lagu hayo sida uu sheegay Cabdiqaadir Gar-gaar oo ah Mawaadin somaliyeed oo waddanka Koonfur afrika mudo dheer degenaa, kana hawl-gala Urur ka shaqeeya horumarinta Bulshada oo dalkaasi fadhigiisu yahay.
“Runtii dhibaatada lagu hayo somalidu qaybay ka tahay, waayo dalkan waxa ku nool ku dhawaad 62000 oo qof, kuwaasoo ah dad xoogsato ah, dadkani malaha meel ay ku midaysanyihiin ama Urur ay leeyihiin oo xaaladooda ka war haya.
Mida kale dadkani marka dhibaato loo geysto ee hantidooda la boobo ama dad laga dilo ma Hay’ada garsoorka ma yimaadaan oo qofkii wax u geystay si loogu xukumo kama hawl-galaan ee waxay odhanayaan waar iga daa naftayda ayaan uga baqaynayaaye waxba ma dacweynayee”ayuu sheegay .
Cabdiqaadir ayaa intaasi “arinta ugu weyn ee dhibaatada ugu wacana waxaan ku tilmaami karnaa qofka somaliga ahi marka uu dalka soo galo, isagoo aan la qabsan dhaqanka bulshada, luuqadii aan waxba ka aqoon oo aan la xidhiidhin Guddiyada Nabad-gelyada ee kaamka uu degenyahay ayuu Meherad iska furanayaa, dabadeed subax qudha ayuunbaa la arkayaa isagoo dukaan ka furtay Xaafadda, ka dib dadku waxay isweydinayaan muxuu ahaa qofkan soo galootiga ah ee meesha dukaanka ka furtay.
“ka dib waxa laga yaabaa qofkii somaliga ahaa isagoon dadkii af-aqoon oo aan waxba ka iibin Karin inay dadkii waddanka u dhashay markay u yimaadaan ee ay isyidhaahdaan wax ka iibsada isfaham la’aani meeshii timaado, dabadeed ay yidhaahdaan waxani waa jaahil halaga xidho meherada.
xataa mararka qaarkood dadka dalkani markay dukaanka wax ka iibsadaan waxay jecelyihiin oo dhaqan u ah inuu qofka wax ka iibinayaa ku yidhaahdo “Mahadsanid” somalidu inta badan dhaqan uma laha taasi, laakiinse dadka waddankani waxay aaminsanyihiin inay qofka wax iibiyaha ah u axsaan sameeyeen oo ay lacagtoodii wax kaga iibsadeen, markaa taasina waxay ka mid tahay waxyaabaha ay kula coloobaan dadka waddanka u dhashay somalida”ayuu yidhi.
Kuma koobna oo qudha Cabdiqaadir Dooddani, balse waa mid ay la qabaan xubno kale oo ka mid ah Ganacsatada somalida ee waddankaasi ka shaqayta, kuwaasoo aaminsan in hadii ay samaysan lahaayeen Urur iyo iskaashi Bulsho ay ka badbaadi lahaayeen kooxaha shuftada ah ee Hantidooda iyo Naftoodaba waxyeelada joogtada ah ku haya.
Hase ahaatee inkasta oo ay dadka somalida ahi aragtidan qabaan, hadana waxa jira kuwo kale oo doonaya inay dariiq kale oo cusub wanaag iyo soo dhaweyn kaga helaan dalkaasi.
Xubno ka mid ah Ganacsatada somalida ah oo todobaadkii hore BBC-da la hadlay ayaa sheegay inay doonayaan inay ka qayb-qaataan Mashruuc dawlada Koonfur afrika waddo oo lagu dhisayo Cisbitaal lagu xanaaneeyo Caruurta, kaasoo lagu maamuusayo Madaxweynihii hore ee dalkaasi Nelson Mandela oo sanadkan u dabaal degayo 95 guuradii ka soo wareegtay markii dhashay.
Ganacsatadan ayaa raadinaya dariiq ay maraan sidii ay lacag ugu darsan lahaayeen Mashruucaasi oo qayb ka ah waxyaabaha ay dawlada dalkaasi ugu talo-gashay inay ku xusto Halyay NELSON MANDELA oo sanad-guurada 95-aad ee dhalashadiisa sanadkan ku xusaya Cisbitaal ku yaala dalkaasi oo uu u jiifo Caabuq sababka ka haleelay.
“waxaanu isleenahay hadii aad ka qayb-qaadataan Dhismaha Cisbitaalkaasi oo aad lacag qaadhaan ah ku darsataan, waxaad helaysaan soo dhaweyn iyo qadir ka wanaagsan sidaad iminka tihiin, markaa waxaan u soo jeedin lahaa inay dadka somalida ahi mashruucaa ka qayb-galaan”sidaasi waxa yidhi mid ka mid ah ganacsatada somalida ee waddankaasi ku nool.
Waxaanu intaasi ku daray “si aanu lacagtaasi u bixino waxaanu isleenahay la kaashada Safaarada somalida ee dalka iyo ururadda kale ee hawshan wadda oo aanu xidhiidh la samayn doono annagoo ah dadkii somalida”.
Si kastaba ha ahaatee aragtiyahan ay qabaan Bulshada somalida ee waddankaasi oo aad moodo inay marba marka dambeysa u sii nuglaanayeen Dhaca iyo dhiig daadinta ay ku hayaan Kooxaha qawlaysatada ah ee Reer Koonfur afrika ayaa u muuqda kuwo ay doonayaan inay ku badbaadiyaan Hantidooda iyo maalkooda, ka dib markii ay taageero dhaqan gal ah oo dhanka amaankooda la xidhiidha ka waayeen dawlada dalkaasi oo aad moodo inaanay xil iska saarin dadka soo galootiga ah ee waddanka jooga si waafaqsan shuruucda caalamiga ah ee Qaxoontiga iyo dadka magan-gelyo doonka ah.
Gobanimonews
Nairobi Office
Email: editor@gobanimonews.com