Saturday, August 3, 2013

Ujeedada kulan Maanta dhex maray Wasiirka Maaliyada iyo Agaasimayaasha Guud ee Wasaarada dawlada






Hargeysa (GNA) kulan Isxoogwaraysi ah ayaa maanta dhex maray wasiirka maaliyada ee Somaliland iyo agaasimayaasha Guud ee wasaaradaha  dawlada.




Kulankan oo ka dhacay Hoolka shaqaalaha ayaa waxa lagaga Hadlayey Siddii laysku waafajin lahaa Miisaniyada qaranka iyo Baahiyaha wasaarada kala duwan ee Xukumada ka jira , iyada oo halkaasi agaasimayaashu ku soo bandhigeen qorshayaal ku saabsan hanaanka wasarad kasta ku soo qoran karto baahiyaha dhinca mushaharaadka shaqaalaha, gaadiidka iyo shiidalka iyo adeegyada kale ee ay u baahan yihiin wasaradu inta ka horeysa Miisaniyada qaranka ee 2014.




Wasiirka Maaliyada ee Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in kulankani yahay mid ay ku darsayaan Hawlaha kala duwan ee ay wasaradu u bahan yahay, iyo siddii wasaarada walba baahiyaheed ugu cadayn lahayd Dalabka Miisaaniyada ugaarka oo uu sheegay in loo bahan yahay in wasaaraduhu meesha baahida weyn u qabto ay soo codsato oo baahiyaha ay kala horeysiyaan.




 waxa kale oo uu sheegay in dhagihiisu ay u furan yihiin agaasimayasha guud,  lakiin loo bahan yahay iyaguna in ay ogaadan xaaladu kolba sidda ay tahay, isaga oo agaasimasha u sheegay in iyagana xil ka saran yihiin siddii kor u qaadida dakhliga uga qaybqaadan lahayeen,  wasiirku waxa kale oo uu sheegay in ay ku guulaysteen in ay qaatan 1500 oo shaqaale ah oo uu sheegay in 500 oo ka mid ahi yihiin macaliimin  halka uu uu sheegay inta kalena  ay qaateen  wasarada caafimada  halka uu sheegay in wasarada kalena ay qaateen shaqaalhii ay sooco sadeen.




Gobanimonews




Hargeysa Office