Hargesa(GNA)-Xisbiga mucaaridka ee WADDANI, ayaa ugu baaqay beelaha walaalaha ah ee shaqaaqadu ku dhexmartay deegaanka God heerin in ay colaadda iyo dhiigga daadanaya joojiyaan nabadana soo celiyaan, isagoo xisbigu tacsi u diray beelahaasi wixii dhimasho iyo dhaawac soo kala gaadhay.
Warsaxaafadeed uu soo saaray Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ahna gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed cabdilaahi (Cirro), waxa uu kaga dalbaday labada beelood inay joojiyaan sii socoshada colaada.
Isagoo xukuumana ugu baaqay inay ka hawl-gasho joojinta shaqaaqadaasi.
Nuqul ka mid ah Baaqa Gudoomiyaha oo Gobanimonews soo gaadhay ayaa lagu yidhi “Waxan baaq nabadeed halkan uga dirayaa beelaha walaalaha ah ee shaqaaqadu ku dhex martay deegaanka god heerin, waxaan leeyahay walaalayaal colaadda wiil baa ku dhinta ee wiil kuma dhasho, sidaa darteed waxan idinka codsanaynaa labadiina dhinacba in miyirka lagu soo noqdo oo aad xeerisaan walaaltinimada iyo daris wadaaga.
Waxaan sidoo kale tacsi tiiraanyo leh gaadhsiinaynaa labada beelood ee walaalaha ah ee shaqaaqadu ku dhex martay deegaanka god heerin anagoo wixii dhimasho ahna ilaahay uga baryeyna inuu u naxariisto wixii dhaawac ahna caafiyo.
Xukuumadda Somaliland waxaanu leenahay sida ugu dhakhsiyaha badan waa inaad u joojisaan shaqaaqadaas si aanay cid kale inoogaga dhimanin, isla markaasna aad soo celisaan nabadda.
Qaran ahaan ummadda reer Somaliland xukuumad iyo shacbiba waxa innagu waajib ah in aynu arrintaas ka gurmano oo labada dhinac kala dhexgalno si aan dhiig dambe u daadan.
Waxaynu ku soo caano-maalnay in aynu dhibaatooyinkeenna ku xalino wadahadal iyo walaaltinimo,” ayuu gudoomiyuhu ku yidhi warsaafadeedkiisa.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com