Ankara (GNA) Raisul wasaaraha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in Israel ay ka danbayso afganbigii Militeri ee ay Militeriga dalka Masar xilka uga tuureen Madax waynihii sida dimoqraadiga ah lagu soo doortay ee dalka Masar Max’ed Mursi.
Mr Erdogan ayaa sidoo kale qeexay in wadamada islaamka ay xiligani ka jirto dhibaatooyin kala duwan isagoo intaasi ku daray inay jiraan wadamo kale oo iyagu qiyaamay dalka Masar kuwaasi oo taageeray dowladda Militerigu ka sameeyay dalka Masar badalkii ay taageeri lahaayeen dowladdii sida dimoqraadiga lagu soo doortay ee dalka Masar.
Raisul wasaaraha Turkiga ayaa hoosta ka xariiqay inay hayaan cadaymo muujinaya sida ay Israel uga danbaysay afganbigii xilka loogaga tuuray madaxwayne Mursi iyo guudahaan waxa ka dhacay dalka Masar
Bayaanka Raisul wasaare Erdogan ee ah inay Israel ka danbaysay afganbigii dalka Masar ayaa si wayn uga cadhaysiiyay Israel iyo Maraykanka iyo dowladda cusub ee Masar.
Israel, Maraykanka iyo dowladda kumeel gaarka ee dalka Masar ayaa si wayn u cambaareeyay hadalka iyo eedaynta ka dhanka ah taliska Tel Aviv ee Israel iyagoo sheegay inay tahay arintaasi mid aan waxba ka jirin.
.
Diyaariye:Askar
askars4@hotmail.com
Gobanimonews.com