Thursday, August 22, 2013

SLN: iska hor-imaad laba Beelood ku dhex maray Gobolka Sanaag oo Dhimasho iyo Dhaawac sababay


OOG (GNA)- Afar qof ayaa ku dhintay,todoba kalena waxa ka soo gaadhay  dhaawacyo kala duwan,  iska hor imaad hubaysan ku dhex maray laba beelood oo wada dega deegaanka God-heeri oo u dhaxaysa Oog iyo degmadda Gar-adag ee gobolka Sanaag Maanta.




Wararka ka soo baxaya dagaalkaasi ayaa sheegaya in 7 qof ee ku dhaawacmay ay afar ka mid ah dhaawacoodu culus yahay isla markaana caawa la geeyay cisbitaalka guud ee magaaladda Caynabo oo isla caawaba looga sii gudbiyay cisbitaalka Burco, halka sadexna kalena la soo weriyay in dhaawacoodu sahlan yahay oo aan wali laga soo qaadin jiidii iska hor imaadku ka dhacay.




Warku waxa uu intaasi ku darayaa in shaqaaqadani ay salka ku hayso muran dhul oo u dhaxeeya labadaasi ardaa oo wada degan deegaankaasi.




Ciidammadda qaranka Somaliland ee fadhigoodu yahay Gobolka Saraar  ayaa la sheegay inay gaadheen jiidii dagaalku ka dhacay isla markaana la kala dhex dhigay labadii beelood ee shaqaaqadu dhex martay.




Labada Beelood ee Deegaankaasi ku dagaalamay oo ka soo kala Jeeda Beesha Habar Yoonis Iyo Habar-jeclo, ayaa sidoo kale Deegaan waddaag ka ah Goboladda Sanaag, Togdheer iyo Saraarba, waxaanay jira khilaaf dhanka Maamulka ah oo dhawaan soo kala dhex galay, kaasoo ka taagnaa Gobolka Saraar,inkasta oo shaqaaqadani aanay dhankaasi khusayn.




Gobanimonews




Caybano Office




Email: editor@gobanimonews.com