Waxaan halkan ka salaamayaa dhamaan shaqaalaha iyo maamulka warlaliyahay dhexdhexaadka ah ee soomaalilaand today, jecel wadaniyada waana qaataha afkaaraha munaasibka ah,
"Baahi" waa dareen adamigu ka wada siman yahay, ahna kan ku kalifa in uu samayo qofkastaa dadaal iyo howl si uu u helo xal iyo jid uu u maro gaarista baahida uu qabo. Dareenkaas oo leh wajiyo aad u kala duwan oo le ahdaaf iyo ujeedooyin fog iyo kuwa dhowba oo aan dhaafsiisneyn dhadhan waqti kooban baa ah kan xaqiijiya nolol iyo wadan uu ku guto kuna ilaaliyo baahidiisa joogtada ah inta uu ka sareeyo dhulka. (Wadan) waa baahida ogu weyne ee adami uusan marna ka maarmi karin ahna tan xaqiijisa jiritaankiisa noole iyo astaanmeed. Dad aan laheyn wadan kama duwana geed aan laheyn xidid. Wadan waa dhul xaddidan oo wadaag ah.
Mas'uuliyadda xanaano ee wadan baa ah baahi jeel ka jeel ahaa u adeega ama isu adeeg mujtamac aasaas ahaan isleh. Si kasta iyo xaalad kasta midna ma bedesho illaalinta wadan oo ah lama huraan aan laheyn qiimo lagu bedesho. Abuurista Illaahay ee jiritaan iyo lahaansho wadan waa labo isku xirin oo aan marna kala harin. Mujtamac kama soorowdu umana soorowd in uu gaaro isku filaansho nolol keenta in uu ka maarmo baahi qab wadan si kasta oo u gaaro buuxin dhaqaale iyo hanti muqaal. Dhigaal dhaqaale qadar kasta ha gaaree kama dhigo qof mid buuxiyey jiritaankiisa adaminimo.
Qoxootimo wadan kalana badel uma noqoto wadankiisii hooyo qofka bini aadamka ah.
Hadaba halka Inta yar maamul wanaag ooay haystaan Somaliland, kaas oo aan dhadhabaab iyo buunbuunin lagu dhisin, balse ya tahay xaqiiqada in lagu dhisay aya ahayd ka tashiga ummada reer soomaliland iyo siyaasiyiinta usoo halgamey dalka,
Hadaba maanta hadalku ma taagna soomaaliland waa dal ka mid ah soomaaliya, taas waxaan ku tilmaami karaa in ay tahay dacaayad iyo borobogaando, keeni kartana kala fogaansho iyo in ay timaado xaalad tan ka adag, oo noqota in dagaal iyo mashaakil ka yimaado sheegashada beenta ah ee soomaaliland, oo ah dal ka madax banaan somaliya taas oo ay keentay dhibaatooyin midowgii la magac baxay, xukun xumayaashii, ummada reer somaliland waa ummad jecel soomaalinimada waxayna ahaayeeen kuwii keenay iska xorayntii gumaystaha iyo midnimada labada soomaaliyeed tan waxaa dheeraa iyagoo doonaya shanta soomaaliyeed,
Hadaba tani waxay keentay abaal daro iyo in la xasuuqo shacab hanti iyo maal wixii ay lahaayeen, waxaa layaab leh maamul xasuuqaya ummad dhan oo uu maamulo, nasiib wanaag soomaaliland waxay lasoo noqotay xornimadeedii iyo jiri taan keedii kaas oo ay umartay dedaal aad u dheer oo loo huray naf iyo maalba, hadaba waxaan idiin sheegayaa maanta ma taal soomaaaliland waa go’aysa iyo ma g’ayso, Balse soomaaliland way g’day hadaba hadalku wuxuu taagan yahay sidii loo xisabtami lahaa oo loo noqon lahaa laba dal oo walaalo ah, wadaagana dhaaqan, diin, iyo xuduudo, iyo iska kaashiga ilaalinta amaanka.
Way jiraan dad jecel in soomaaliland ay noqoto sida soomaaliya oo ay ka jirto sodon maamul goboleed, danta ay ka leeyihina waa dan shaqsiyeed, jiritaaanka somaliland waa rabitaanka shaacabka ma aha shaqsiyaad siyaasiyiin ah cidii meelahaa kaa qaylinaysana iyagaa xaqiqada soo taaban oo aan daliil uga dhigayo sida uu cadeyey pro; ahmed ismaciil samatar oo ah muwaadin soomaaliland kasoo jeeda, balsa aan hore u garawsan hadase ogaadey xaqiiqada taas oo aan ku hambalyaynaayo garashadiisa wanaagsan, waxaan aan ilaahaay uga baryayaa in uusoomaaliya ka dhigo dal nabad ah, waxaana ka codsanayaa in ay nalaa tashadaan sida aanu u hir gashanay maamulkayaga wanaagsan ee soo jirey mudada 24ka sano kasoo ah mid illaahay loogu mahad noqo amniga iyo haykalka maamul wanaag oo dalalka afrika qaarkood kaga daydeen soomaalilaand sida kenya oo nagag dayatay golaha guurtida maxaa walaalahayo u diidey in ay nala tashadaa?
Tani waa su’aal qofkasta oo xilkas ahi garan karo, guntii iyo geba gebadii waxaan leeyahay in yar oo waano ah siyaasiyiinta reer soomaaliland ee jooga dalka debediisa iyo gudihiisaba in ay joojiyaan ku kaftanka sirteena siyaasadeed oo beri dhaliil inoo noqon karta balsa laysu tanaasulo lana tashado, waxaan salaamayaa dhaamaan akhristayaasha jecel dalkooda hooyo,
MAHADSANIDIIN
Qore muuse axmed maxamuud (muuse faralaab)
Emailka;xujaale24@gmail.com