Burco(GNA) Dadka Barakacayasha Ee ku Dhaqan Kaamka Qaxoontiga Ee 15May ee Magaalada Burco ayaa Maanta Banaanbax Baladhan Oo ay isugu Yimadeen Waxay Eedayn Baladhan dusha uga tureen Hay’ada NRC Xafiiskeeda Magalada burco.
Barakacayashani ayaa hayadaasi ku Eedeyay inay Gudaha Kamkaasi ka Dhex-Wado sidii ay iskaga horkeeni lahayd Dadka Barakacayasha ah Ee ku Dhaqan Kamkaasi.
Dadkani Barakacayasha ah Ee ku Dhaqan Kamkaasi ayaa Soo Bandhigay Caqabaha haysta Ee ku Gadaman Wakhtigani Waxaanay baaq u direen Xukumada iyo Hayadaha Calamiga ah inay Gargaar soo gadhsiyaan.
Canbuul Oo ah Gudomiyaha Qaxoontiga Jareer Wayn Ee G/Togdheer Oo Ugu horaynba ka hadlay Bahiyaha Haysta Dadkaasi Qaxontiga ah ayaa soo bandhigay Bahiyihii la soo darsay iyo waxay ka cabanayaan,”Waxaan Halkan Maanta Baaq u Diraynaa Xukumada S/land iyo Hayadaha Calamiga ah inay noo fidiyaan Gargaar degdeg ah waayo waxaanu nahay dad qaxontiya oo ay runtii na haystaan dayac Aad u Badani.Runtii Waxa Kale Oo Aan Jecelehay inaan Fursadan Kaga Faidaysto Khalkhal ay Haayada NRC ka wado Gudaha Kamkani.NRC Kamkan Qaxontiga ah Wax Alaale iyo wax ay u qabataa ma jiraan Dadkani Barakacayasha ah Dhibaato ay ku hayso mooyane" Ayuu Yidhi Gudomiyaha Jareer Wayn Ee G/Togdheer
Faadumo Axmed Oo Iyaduna ka mid ah Dadkaasi Qaxoontiga ah ayaa iyaduna dhinaceeda Umada islaamka ugu baaqday inay Soo Gargaraan Bisha Barakaysan Ee Ramadaanta isla markaasna ay ajar iyo xasanaad shaqaystaan Soona Gargaraan Dadkan Qaxontiga ah.
Faadumo ayaa sidoo kale Hay’adaha Caalamiga ah ku Eedaysay inaanay kaalintii looga fadhiyay aanay qaybtooda kaga qayb-qaadan Sidii Loo Gargaari-lahaa dadkaasi Barakacayasha ah.Waxaanay Haayada NRC ku Eedaysay inay tahay Haayad Aan Dhex u ahayn Kaamamka Qaxoontiga burco.
Si Kastaba ha ahatee Waxa Mudooyinkii u Danbeyayba isa soo Tarayay Eedaymo Baladhan Oo Loo Soo Jediyay Haayada NRC Xafiskeda Magalada Burco.iyadoo ay Todobadkana ay Dadka ku Dhaqan Xaafada Kosaar ay hayadaasi ku Eedeyeen Musuq-Masuq iyo Wax isdaba Marin.
Axmed Muuse
Gobanimonews
Burco Office
Email: editor@gobanimonews.com