Tuesday, August 6, 2013

Dalkeena Nimcaa Fadh-fadhida Baashoow, By: Sulaiman Bulaale

Bisha barakaysan ee Ramadaanta waxa EEBE inoo sheegay in la xidho

Iblayska oo ah kan ugu da’da wayn shadaadiinta oo la da’ ah ama ka
waynba Aabaheen Nabi Aadan (NNKHA), laakiin shadaadiinta yar yar lama
xidhxidho, shadaadiintaasi yar yar ee aan la xidhxidhn ayuu ka mid
yahay ninka magaciisa ku sheegay Baashe Muhumed ee umada muslinka ah
ee reer Somaliland oo bishaasi gabogabada ah ee barakaysan xuska
ILAAHAY u saro joogay gaar ahaan xalay oo 27kii Ramadaan ahayd, hurdo
aan dhabanka dhulka dhigin unu soo jeeday xuska ILAAHAY ee tukanayay
TARAAWIIXDA iyo TAHAJUDKA ee gacmaha hoos haystay EEBAHOOD oo dambi
dhaafka naxariista iyo in ay ka mid noqdaan kumanka naarta laga
xoreeyo ka tuugayay ninka maalmahaasi barakaysan 27ka Ramadaan
dhaleecayn been iyo qadaf ku sheegaya Madaxwaynaha Somaliland iyo
wasiirada uga waxqabadka badan gaar ahaan Wasiirka Madaxtooyada iyo
Maaliyadu ma aha ilmo xalaal basle waxa uu ka mid yahay shadaadiinta
yar yar ee aan Ramadaanta la xidhxidhin.

Ninkaasi waxan si kooban ugu sheegi lahaa dalkayaga Somaliland Nimcaa
FadhFadhida bishan Ramadaan bilowgeedii Madaxwaynaha Jamhuuriyada
Somaliland waxa uu xadhiga ka jaray Idaacadii Quraanka Kariimka ahayd
ee abdi Somaliland laga furo oo 24 hours 7 days baahisa Qawlka EEBE
Quraanka Kariimka ah caasimadii iyo umadii muslinka ahayd ee ku
noolayd idaacadaasi way qaboojisay, Shaydaadiintii aad ka midka
ahaydna way buufisay, kaalay arag gaadiidkii dadwaynah kaad fuushoba
meheradii ganacsi ee aad hormartoba gurigii ag martaba Quraanbaa nooga
baxaya ALXAMDULILAAH.

Ku darsoo kaalay arag abaalmara ugu qaalisanaa ee abid Somaliland la
gudoonsiiyo da’yarta korka ka xafiday 2da WAXYI (Quraanka Kariimka ah
& Xadiiska Rasuulkeenii Muxamed NNKHA. Madaxwaynaha Jamhuuriyada
Somaliland ee aad dhaleecaynayso ayaana bixiyay Abaalmarinta Quraanka
Kariimka ah ee ugu qaalisan ee dhul Soomaaliyeed degto laga bixiyo oo
ah dhawr kun oo dollar iyo Baabuur yar oo cusub, waxanu ku qaabilay
xufaadii guulaystay iyo culimadii tartanka Quraanka wayday Aqalka
looga arimiyo Somaliland. Sidoo kale shirkada aad Aflagaadaynayso ee
Dahabshiil ayaa ka mid ahayd maalgaliyayaasha Tartanada Quraanka ee
dalka laga qabtay iyaga iyo Ganacsato kale oo badan ayaa adduunka ku
baxay tartamadaasi bixinaysay.

Baashe Muhumed ninka sheeganayow maanta maalin ay ka wanaagsan tahay
Somaliland ma jirto, maalin caalamku kaga kalsooni badan yahayna inama
soo marin. Itoobiya waa saaxiibka Koowaad ee Somaliland leedahay,
Ingiriiskuna waa ka 2aad, adigu labadan dal afhayeen uma tihid
digreetadii ay kugu magacaabeena namaad tusin. Anigoo ka mid ah
Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland ee waliba ka madaxbanaan
xukuumada Madaxwayne Siilaanyo ayaa xogogaal u ah arimahan aad beenta
qaawan ka sheegayso.
Waligeed may dhicin Digniin Ingiriis, Itoobiya iyo dal kaleeto u soo
gudbiyo Madaxwayne Siilaanyo oo lagu durayo Wasiirka Tamarta badan ee
Madaxtooyada iyo kan maaliyada toona. Xasad iyo Buqdi qabyaalad ku
salaysan ayaa ku hayee, ma jiro wax xidhiidh ah oo ka dhexeeya
Argagixisada aad adigu ka mid tahay iyo madaxda qaranka oo aan ka
ahayn colaad aanu midba kan kale bixinaynin.

Shirkada Dahabshiil waa shirkada kali ah ee buuxisay dhamaan
shuruudaha caalamiga ah ee lagu kantaroolo xawilaada lacagaha taasi oo
ay ku kasbatay kalsoonida dhamaan dadka ku hadla afka soomaaliga iyo
bulshada caalamka hay’adaha Qarmada Midoobay iyo kuwa caalamiga ahba.
EEBE ayaa sharaftaasi iyo kalsoonidaa u suurtogaliyay.

DALKEENA NIMCAA FADHFADHIDA Nasteexo ku socota shacabka Somaliland iyo
digniin ku socota shar wade Baashe Muhumed

Shacbiga Somalilandna ma joogaan maanta 1960kii beenta adigoo kale u
sheegi jirteen ee shaydaanku dantooda qaran dhaafin jireen. Waa dad
soo jeeda oo kala og Nacabkooda adigoo kale ah iyo Nasteexooda.

Waar Baashoow toobad keen, oo haddii aad tahay muwaadin Somaliland ah dalkaaga iyo dadkaaga dhinac ka soo raac oo nala wadaag nimcada if iyo aakhiro ee shacabka Somaliland haystaan. Madaxwaynaha iyo Xukuumadiisu guulaha ay hirgaliyeen ee Ilaahay aanu ku tusin adiga Baashow halkan
kuma soo koobi karo, waxay jidad cusub noo dhistay, Idaacada dunida oo
dhan laga dhagaysto ee Radio Hargeisa, Tan Quraanka Kariimka ah, dib u
heshiisiinta beelaha walaahayaga bariga Somaliland, dhismaha garoomada
casriga ah ee dalka, iyo siyaasada dibada oo goolal badan oo xidhiidh
ah ay iska dabo dhalisay.

EEBOW guusha Somaliland noogu sii wad. WABILAAHI TAWFIIQ

Suleiman Ismail Bolaleh