Madaxweynaha kooxda Barcelona Sandro Rosell ayaa shaaca ka qaaday in Barcelona aysan weli ka dhamaan suuqa kala iibsiga, islamarkaana ay doonayaan inay hal ciyaaryahan kale soo xerogeliyaan ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga.
Kooxda Catalans ayaa xagaagan la soo wareegtay kaliya Neymar oo 57 milyan euro kala soo wareegeen Santos, laakiin waxa ay doonayaan in ciyaaryahan kale ku daraan kooxdooda.
Barcelona ayaa lala xiriirinayay daafacyo dhexe bilihii u danbeeyay oo ay ku jiraan Thiago Silva, Mats Hummels, Daniel Agger iyo David Luiz, laakiin waxa ay diideen inay faahfaahin ka bixiyaan ciyaaryahanka diirada u saaran.
“Waxaan dooneynaa inaan hal ciyaaryahan kale ku soo darno kooxdeena ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga” ayuu madaxweynaha Barca u sheegay jariirada Sport.
“Si kastaba, waxaa muhim ah in la ogaado inaadan mar walba heleynin ciyaaryahanka aad rabto madaama kooxaha qaar aysan dooneynin inay iska iibiyaan.”
Barcelona ayaa shalayto xaqiijisay inay qandaraaska u kordhiyeen Cristian Tello halka ay sidoo kale sheegeen in Alexis Sanchez uusan iib aheyn.