Wednesday, August 7, 2013

Somaliya oo Heshiis cusub la gashay Shirkad Ingiriis ah oo Shidaalka Baadha, aanay Amaanka Muqdisho oo Qudhan aanay Damaanad qaadin






 



Muqdisho(GNA)-Dawladda Soomaaliya ayaa heshiis cusub la gashay  shirkad shidaalka baadha oo fadhigeedu yahay dalka Britain oo lagu magacaabo Soma Oil and Gas Exploration Ltd.




Wasiirka Kheyraadka ee dowladda Federalka Soomaaliya C/risaaq Cumar Maxamed ayaa ku dhawaaqay heshiiskan maanta ay dowladda la gashay shirkadan, mar uu Xafiiskiisa kula hadlay Warfidiyeenada iyadoo ay dhinac joogeen madaxda shirkadan.

"Waxay aheyd heshiis dowladda Soomaaliya la saxiixaneysaa shirkad fadhigeedu yahay wadanka ingiriiska, shirkad oo noo sameyn doonta in wadanka soomaaliya saliida ku jirta ay ka baadho, waxay sameynayaan baaritaan bariga iyo badda"ayuu yidhi Wasiirka Kheyraadka Dalka oo uu dhinaciisa taagnaa Madaxa Shirkada shidaalka baadhaysa.

Heshiiska waxa uu u ogolaanayaa in Shirkadan ay ka sahmiso Soomaaliya  Saliida ku jirta, soona ururiso xog ku saabsan jiritaanka Shidaal, si ay qayb uga qaadato hormarka la doonayo in laga gaadho dhinaca tamarta,sida uu Wasiirku tilmaamay.

Wasiirka ayaa sheegay dhawaan la horgeyn doono heshiiskan Golaha Wasiirada,si uu qayb uga noqdo maalgashiga dalka laga samaynayo.

Sidoo kale Wasiirka kheydraadka dalka ayaa sheegay in heshiiskan uu xoojinayo xidhiidhka u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo Ingiriiska.

Ugu dambeyn wasiirka ayaa sheegay inay rajeynayaan in heshiiskan uu qayb ka noqdo dhiirigalinta maalgashiga iyo soo saarista khayraadka dalka si loo xoojiyo dhaqaalaha dalka Soomaaliya.

shirkaddo badan oo Khayraad doon ah ayaa Heshiisyo qaarkood qabyo yihiin la galay Maamuladda ka jira somaliya, oo ay dawlada federaalka ahi ugu horayso, kuwaasoo aan ilaa hada la ogayn inay Midho-dhal noqon doonaan iyo in kale, hase ahaatee ugu yaraan looga faa’idaysanayo dhiiri gelin iyo in Indhaha Caalamka Maalgashiga sameeya halkan lagu soo jeediyo.




hoos ka daawo sawirada:








Gobanimonews




Nairobi Office




Email: editor@gobanimonews.com