Wednesday, August 7, 2013

Dablay Hubaysan oo Gaadiid Raashin Mucaawimo ah ku Gubay jidka u dhexeeya Garoowe iyo Gaal-kacayo


Boosaaso(GNA)-Wararka laga helayo magaala xeebeedka Boosaaso ee gobolka Bari ayaa waxa ay sheegayaan in habeenkii xalay ahaa kooxo hubeysan oo qaarkood wato tuutaha ciidanka puntland ay ku gubeen duleedka magaaladaasi gaadiid raashin gargaarka kasoo daabulay dekada magaaladaasi xilli ay ku soo wajahnaayeen gobolka Mudug, gaar ahaan Magaalada Galkacayo.

Dadkii la socday gaadiidka la gubay oo qaarkood ka baxsaday halkii gaadiidka lagu gubay baabuurta ayaa sheegay  in wadada loo istaagay xilli ay marayeen deegaanka Yeenhoow,dabadeed lagu amray in ay isaga soo degaan kadibna indhaha laga xidhay lana baartay jeebabkooda kadibna gawaaridii dab la qabadsiiyay.

wararku Waxay intaa ku dareen in ay gaadiidkaasi oo ahaa laba waaraad oo raashin ka buuxay dabku uu baa’bi’iyay iyada oo aan la ogeyn halka ay ku maqanyihiin shaqsiyaadkii kale ee la socday kuwaas oo markii ugu war danbeysay ku jiray gacanta burcadii gaadiidka gubtay.

Ma jiro ilaa hada war ka soo baxay dhinaca Hay’ada amaniga Puntland oo dhacdadan la xidhiidha, hase ahaatee waxay noqonaysaa tii ugu horaysay ee nooceeda ee ka dhacda deegaamada Puntland sanadihii ugu dambeeyay.