Wednesday, August 7, 2013

Ogaysiis Deg-deg ah: Mudaharaad ka dhan ah Joojinta Xawaaladaha Barclays oo Berri ka dhacaya 10 Downing Street (London) iyo Somalida oo loogu yeedhayo


London(GNA)-Sida lagu sheegay Fariin Gobanimonews ka heshay Kooxda Ololaha ka dhanka ah Joojinta Xawaaladaha ee Banka Barclays, Mudaharaad lagu xoojinayo Ambiil ay saxeexeen in ka badan 20,000 qof ayaa ka dhacaya Magaalada London ee Caasimada Ingiriiska.




Fariinta Ogaysiiska ah waxa lagu socodsiiyay dhamaan Umadda somaliyeed ee jooga UK, si uga soo qayb-galaan dibad-baxaasi.




Waxaanay Fariinta somalida lagu wargelinayaa u dhigantahay sidan:-




“Barri 10 subaxnimo, ayaa loo gudbinayaa Xafiiska Raiisal Wasaaraha
Ingiriiska Codsi ay saxeexeen 20,000 oo ruux kaasi oo lagu diidan
yahay go'aanka Bangiga Barcleys ku joojinayo adeegii xawaaladaha. Koox tiradoodu kooban tahay ayaa barri aadaya ama tagaya albaabka hore ee xafiiska David Camaroon 10 saac ee subaxnimo wakhtiga London si ay u muujiyaan taageerada ay Codsiga (Petition) u hayaan.




 







 




 




 




 




 




Sidaasi darteed, waxanu si xoogan uga codsanaynaa dhamaan umadda




Soomaaliyeed ee ku sugan magaalada London iyo hareeraheedu in ay is
abaabulaan oo ku biiraan kooxda Somaliyeed ee bari ka hor mudaharaadaysa Xafiiska Raiisal Wasaaraha Ingiriiska oo ku yaal 10
Downing Street.
Xiriiriyaha Ololaha lidka ku ah joojinta adeega xawaaladuhu waa Mrs Ms-Färäh A H Bihi, Lambarka Telefoonkeedu waa 07983776888 ama kala xidhiidh Email-ka farahh360@gmail.com.




Fadlan hada wac telefoonkeeda oo waydii faahfaahin ku saabsan mudaharaadka barri ee Xafiiska Ra'iisal Wasaaraha hortiisa ka dhacaya.

Mahadsanidin dhamaan dadka ka jawaaba codsigan ee ku biira barrina
muhadaraadka ka hor socda xafiiska Raiisal Wasaaraha Ingiriiska.

EEBE ha inaga aqbalo SOONKII iyo DUCADII Bisha Ramadan oo Barri inoo soo gabogaboobaysa, Ololaheena Adeega Xawaaladahana EEBE ha inagu guuleeyo

Fadlan Codsigan sida ugu badan ee aad u faafin karto ugu faafi baraha internetka, facebook, iyo twitterka.
Alla mahad leh
Suleiman Ismail Bolaleh
Xidhiidhiyaha Ololaha ee Somalia.




Hadaba waa daruuri in dhamaan dadka somaliyeed dareenkooda muujiyaan oo ay hawshan ka qayb-qaataan si looga hortago in xayiraad dhamaystiran la saaro Xaawaladaha somalida ee lacagta loo soo mariyo Boqolaalka Kun ee qof ee ku dhibaataysan waddanka somaliya iyo kumanaanka kale ee nolosha looga soo xawilo halkaasi.




Gobanimonews




London Office




Email: editor@gobanimonews.com