Caynabo(GNA)-Wararka laga helayo Magaalada Caynabo ee xarunta Gobolka saraar ayaa sheegaya inuu dib u soo cusboonaanayo khilfaafkii ka dhex aloosnaa shirkadda shidaalka iyo Macdanta ka baadhaysa deegaanada Gobolkaasi iyo bulshada Rayidka ah ee deegaanka oo ku andacoonayay inaan saami ku filan laga siin shaqaalaha mashruucaasi ka shaqaynaya.
Heshiis la sheegay inay khilaafkaasi ka gaadheen shirkadda Genel Energey iyo Odayaasha Dhaqanka iyo wax-garadka oo lagu soo afjari lahaa murankii arintaasi ka taagnaa, ayaa la sheegay inuu bur-buray, ka dib markii sida ay sheegeen xubno ka mid ah Odayaasha deegaanku shirkaddu ka baxday wixii arintaasi lagaga heshiiyay.
“lix xubnood oo Guddi ah oo Bulshada Rayidka ah iyo shirkadda ayaa Madaxweynuhu u saaray inay xaliyaan Khilaafkii saamiga shaqaalaha Mashruuca laga siiyay shirkadda, dabadeed heshiis ayay wada gaadheen, laakiinse shirkadda ayaa ka baxday Heshiiskii la galay, markaa waxa muuqata inuu bur-burayo heshiiskasi”sidaasi waxa Gobanimonews u sheegay Maxamed Maxamed Cawaale oo ahaa Afhayeenkii Odayaasha deegaanka markii Khilaafku taagnaa.
Mahad, ayaa intaasi ku daray inay shirkadda Mashruuca wadataa si khaldan oo aan ahayn sidii lagu heshiiyay ahayn u dhex gashay Bulshada dabadeed qoratay shaqaale aan deegaanka ahayn “inuu heshiisku bur-buro waxa ka masuul ah shirkadda hawshan wadata oo si khaldan u dhex gashay Bulshada deegaanka dabadeed qoratay dad ay iyadu wadatay”ayuu hadalkiisa raaciyay.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca shirkadda oo arinta la xidhiidha, hase ahaatee arintan ayaa hadii ay jirto saamayn ku yeelanaysa inuu socdo mashruuca shidaal iyo macdan sahaminta ah ee ay shirkaddu halkaasi ka waddo.
Xukuumadda Somaliland ayaa hore qaraar Bulshada ka cadhaysiiyay uga soo saartay doodda dadka deegaanka, ka dib markii Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), wareegto uu soo saaray markii murankani soo ifbaxay dhawr bilood ka hor uu ku amray inay Hay’ada amnigu talaabo ka qaadaan cid kasta oo isku dayda inay ka hortimaado Mashruucan ay GENEL ENERGY halkaasi ka bilaabayso.
Amarka madaxweynaha ayaa ahaa mid sii cakiray doodda, waxaana ka dambeysay dhexdhexaadin uu markii dambe arintaasi ka sameeyay oo ay ku wehelinayeen xubno ka mid ah Golaha wasiiradda ee xukuumaddiisa.
Iyadoo geesta kalena Khilaafkaasi uu garab-saar la sameeyay shaqaaqo lagu dilay Sarkaalkii ugu sareeyay Gobolka Saraar oo koox cadhaysan oo hubaysani xiligii Khilaafku taagnaa ku dileen Magaalada Caynabo, ka dib markii ay weerareen Xabsiga dhexe ee Magaaladaasi.
Wali Maamulka Gobolka laftiisa wax war ah oo ku saabsan Cabashada bulshada kama soo bixin, waxaana noo suurto geli wayday inuu Telefoonka ku helno Guddoomiyaha iyo xubnaha kale ee Maamulka Gobolka iyo Degmada Caynaba oo hore qayb uga ahaa xalinta Khilaafkii ka dhexeeyay Shirkadda iyo dadweynaha Gobolka.
Shirkaddan ayaa doonaysa inay Macdan iyo shidaal ka baadho Gobolka saraar, waxaana lagu eedeynayaa inay dad shaqaale ah ka soo qoratay Magaalada Burco iyo deegaamo kale oo Gobolka Togdheer ka tirsan, shaqaalahaasina ay u qortay xubno ka mid ah wasiiradda Xukuumadda oo ay gacan saar la leedahay.
Gobanimonews
Burco Office
Email: editor@gobanimonews.com