Hageysa(GNA)-Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Maxamed –rashiid Maxamud Faarax, ayaa Hambalyo u diray Wariye Dr. Moha Daahir Faarax Jire oo ah Suxufiyad u dhalatay Somaliland oo xil looga magacaabay Wasaaradda Arrimaha dibada ee Dalka GHANA,gaar ahaana laga dhigay Isudaha Waaxda Bina’aadanimada ee loo yaqaan CAT ee dalka Ghana.
Maxamed-rashid Muxumed Faarax oo maanta Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay suxufiyadaasi dedaal ay samaysay heerkaasi ku gaadhay, isla markaana ay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan isagoo ka wakiil ah dhamaan bahda warbaahinta Somaliland.
“Muha waxaan leeyahay waad dedaashay, waxaanad halkaa ku gaadhay waa dedaal, dedaalka halkaa ka sii wad, waxaanan ku leenahay Hambalyo, ilaahayna xilka hakuu fududeeyo, in badanbay suxufiyadani ka soo shaqaynaysay xirfada saxaafada oo ay meel sare ka gaadhay, waxaanan qabaa inay ka soo bixi doonto hawsha bina’aadannimada ah ee Wasiirka arrimaha dibada GHANA u magacowday”ayuu sheegay.
Moha Daahir Faarax oo muddo dheer ka soo shaqaynaysay Warbaahinta dawlada Somaliland iyo Wargeyska Sub-sahara ee fadhigiisu yahay caasimada waddanka Itoobiya ee Addis-ababa ayaa khamiistii todobaadkan Magacaabisteeda ay shaacisay Haweenayda wasaaradda arrimaha dibada ee CHANA, taasoo kaga dhawaaqday Munaasibad balaadhan oo ka dhacday Magaalada Accra ee waddankaasi.
Suxufiyadan ayaa dhinaca kale xubin ka ahayd, madaxna ka noqotay Ururka suxufiiyinka ka hortaga qalalaasaha ee Bariga Afrika, waxaanay laba sanadood ka hor qaatay Shahaaddo sharaf ay ku mutaystay hawlaha suxufinimada ee dhanka Bulshada la xidhiidha.
Intii ay joogtay xarunta Telefishanka dawlada Somaliland ee Hargeysa, waxa lagu xasuustaa Barmaamujyadii ay soo saartay, Barmaamujka JIDKA REJADDA oo mudo dheer ka bixi jiray TV-ga, waxaanay markii dambe u wareegtay dhinaca Addis-ababa.
Geesta kale intii ay joogtay Addis-ababa waxa ay wariyahan xilka loo dhiibay suurto gelisay inay suxufiyiin badan oo reer Somaliland ahi ka qayb-galaan shir madaxeedka Midowga afrika iyo shirar kale oo Caalami ah, iyadoo suxufiyiin kale oo badanina ka mahad sheegan jireen gacan qabasho ay halkaasi kaga heleen.
Waxaanay suxufiyiinta Reer Somaliland iyo kuwa somalida kaleba magacaabisteeda u arkaan guul weyn oo diblomaasiyadeed iyo filasho ah inay wax badan oo dhanka horumarka ah ku soo kordhiso, iyadoo la odhan karo iyada lafteedu waa mid dareensan inay bahda saxaafadda Somaliland u baahanyihiin Taageero baladhan iyo inay fursado aqoon korodhsi iyo saacidaad kaleba u baahan yihiin.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com