Bosaso(GNA)-Puntland ayaa Dekedda Magaalada Boosaaso dib uga celisey markab siday shixnad mucaawimo ah oo hay'adda Bisha Cas ee dalka Turkiga u soo dirtay deegaanada Puntland.
Celinta Markabkan ayaa lagu sababeeyay in lagu khal-khal gelinayo amaanka Gobolka, ka hor intaan la soo dirina aan wax tafaasiil ah laga soo siin Maamulka, sida ay sheegeen masuuliyiin u hadlay xukuumadda Garoowe.
Guddi wasiiro ah oo ay dowladda Puntland arinta markabkan u saartay ayaa go'aamiyey in deeqdan raashinka ah dib loogu celiyo magaalada Muqdisho oo markii horeba laga soo diray.
Wasiirradan go’aankan gaadhay oo kala ah: wasiirka amniga, wasiirka maaliyadda, wasiirka arimaha gudaha iyo dowladaha hoose, wasiirka dekedaha iyo gadiidka badda iyo wasiirka warfaafinta iyo Isgaarsiinta ayaa war-saxaafadeed ay si wada jir ah u soo saareen arintan ku faahfaahiyey.
“Qaabka sharci-daradda ah ee raashinkaan lagu soo diray iyo baalmarista Dowladda Puntland waa mid xadgudub ku ah Dowladda Puntland iyo shuruucda dalka" ayay ku sheegeen War-saxaafadeed ay soo saareen.
Deeqdan raashinka ah oo u badan Bariis, ayaa ku wajahneyd degmooyinka Isku-Shuban, Taleex iyo Gal-dogob, sida ay sheegeen saraakiisha hogaaminaysay.
Arrintan ayaa ku soo aadeysa maalmo yar ka dib markii dawlad goboleedka Puntland shaaca ka qaaday inay caowda u jrayso xidhiidhkii ka dhexeeyay dawlada Federaalka ah ee somaliya, ka dib sharci ku tumasho ay ku eedeeyeen, taasoo dawlada Federaalkuna dhinac isaga leexisay.
Gobanimonews
Boosaaso Office
Email: editor@gobanimonews.com